4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
Dagaal u dhexeeya ciidammo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo ka socda Gaalkacyo


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo dhinacyada dagaalamay iyo shacab isugu jira ayaa ku geeriyooday toddoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal u dhexeeya ciidamada kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo saaka ka socda degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalkan oo si xooggan uga socda gudaha magaalada uu billowday kaddib markii lagu muray waddo cusub oo la dhisayay, halkkaaso ay xabbadu ka billaabatay.

Rasaas aad u culus ayaa laga maqayaa xaafadaha Gaalkacayo iyadoo labada ciidan ay ku kala biirayaan ciidammo gurmad ah, iyadoo marba marka kasii dambeysa uu dagaalku sii xoogeysanayo.

Shacabkii ku noolaa xaafada Garsoor ee dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay u suuro-gashay qaarkood inay barakacaan, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin guryahooda oo ay gabbaad ka dhiganayaan.

Mas'uuliyiinta maamullada Galmudug iyo Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka saaka ka qarxay Gaalkacyo ee u dhexeeya ciidamadooda, iyadoo labada maamul ay u dhexeeyeen waayahan muran dhanka maamulka gobolka Mudug ah.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaan haddii ALLE idmo wararka soo socda ee HOL.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya