4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2015
Diyaarado duqeyn u geystay Saldhig Al-shabaab ay ku lahayd Gobolka Shabeellada Hoose


Axad, November 22, 2015 (HOL) — Deegaanka Beledul-amiin oo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada ka tirsan ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay ay duqeymo ka geysteen diyaarado dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala beegsaday saldhig ay AL-shabaab ku lahayd duleedka degaankan, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in sideed ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee saldhiggaas ku sugnaa ay dhinteen, halka shan kalena ay dhaawacmeen.

Shacabka ku nool deegaannada ku dhow-dhow Beledul-amiin ayaa sheegay inay maqleen duqeyntii xalay lala beegsaday saldhigga Al-shabaab; iyagoo xusay in ay maqleen saddex gantaal oo ku dhacay goobtaas; kuwaasoo jugtoodu ahayd mid culus.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta xalay loo geystay saldhiggooda, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal ay duqeymo ka geystaan deegaannada ay ka taliso Al-shabaab.

Inta badan duqeymaha noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno Drones-ka ee ay Mareykanku leeyihiin; kuwaasoo tiro saldhigyo ah oo ay Al-shabaab lahayd horay u duqeeyay.

Ugu dambeyn, diyaaradaha Drones-ka ayaa waxay dhammaadkii sannadkii hore ku dileen agagaarka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, Amiirkii Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya