4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo Maanta loo Duuliyayay MUQDISHO


Sabti, November, 21, 2015 (HOL) — Kaddib xaalad kacsanaan ah oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka taagnayd magaalada Beledweyne ayaa ugu dambeyn waxaa maanta loo qaaday magaalada Muqdisho guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo loo maleynayo in wax laga weydiin doono dilkii 14-kii bishaan November Baladweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay QM.

Mid ka mid ah odayaasha-dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo codsaday in magaciisa inaan la shaacin ayaa u sheegay HOL in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dalbaday in kiiska dilka sarkaalka u shaqeynayay QM loosoo wareejiyo Muqdisho, taasoo kaantay in duhurnimadii maanta diyaarad gaar ah ka qaaddo Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne guddoomiye C/fataax.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa dalbaday in sharciga la mariyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dilka, oo ay ku eedeyeen in ay geysteen ilaalada guddoomiyaha maamulka gobolka, waxaana falkan dilka ah u xirran ilaa hadda 10 ka tirsan ciidammada dowladda Somalia.

Taallabada uu qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ah in magaalada Muqdisho loo qaado guddoomiyaha ayaa qeyb ka ah dalabaad is daba joog ah oo ka imanayay wax-garadka iyo odayaasha sarkaalka la dilay kuwaa oo maleeshiyaad ku heyb ah maalmihii aynu soo dhaafney xirteen qeybo ka mid ah magaalada.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo tan markii uu dilka dhacay u taagnaa xal u helidda xiisadda, ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo dhaq-dhaqaaqii  ganacsiga iyo weliba isku socodka gadiidka, isagoo furay dhamaanba jidadkii xirnaa ee magaalada.

Dhinaca kale, guddigii dowladda federaalka Somalia ay u saartay baarista la xiriirta dilka, ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen Muqdisho halkaa oo laga sii waddi doono qeybaha dhiman baaritaanka socda, sidda ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka sidda weyn ula socda arintan.

Ugu dambeyn, Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa ugu dhag-taagaya halka lagu soo dhameyn doono kiiska ku saabsan dilka madaxii hay'adda miino baarista QM ee UN-MAS Mahdi Xuseen Macow [Shiiqaal].

C/raxmeen Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya