4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Qarax khasaare sababay oo Goor-dhaw ka dhacay Magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Hal qof ayaa geeriyooday, labo kalana dhaawac ayaa kassoo gaaray kaddib qarax ka dhacay goor dhaw meel maxaaqi ah oo ku taalla magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Liibaan Cabdi Burus oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyadda ee degmada oo la hadlay HOL ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid maqaaxida lagu sii diyaariyay uu wiil yar ku geeriyooday, halka dhinaca kalana ay ku dhaawacmeen labo ruux kuwaasoo gabi ahaan ka mid ahaa reerka maqaaxida iska lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in howl-gal ay sameeyeen ciidammada qaraxa kadib lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay, kuwaa oo sidda uu sheegay baaritaan lagu sameyn doono.

Degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu ballaaran gobolka Hiiraan waxay in badan go'doon ugu jirtay Al-shabaab oo marar badan gudaha degmada ka geystay qaraxyo iyo weeraro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sababtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya