4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Caruurta Adduunka oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Maanta oo taariikhdu tahay 20-ka November, waxay ku beegan tahay Maalinta Carruurta Adduunka oo sannadkiiba Caalamka oo dhan mar laga xuso. Waxaana xuska maalintan lagu qabtay magaaalada Muqdisho, iyadoo xuskan ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka xukuumadda FS, waxaana ka qayb-galay xildhibaanno, wasiirro, haween iyo qaybaha bulshada.

“Waxaan og-nahay oo cidina ka qarsoonayn in dhibaatooyin ay soo food-saaraan caruurta Soomaaliyeed, waxaana loo baahan yahay oo habboon in loo guntado sidii caruurta looga badbaadin lahaa halista & dhibaatooyinka,” ayuu yiri Maxamed-deeq oo ka mas'uuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda.

Sidoo kale, mas'uuliyiintii xaflada ka hadlay waxaa ka mid ah; Ku-simaha  guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka, Canab Xasan Cilmi iyo guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir, Jawaahir Baarqab oo si isku mid ah u tilmaamay in dhibaatooyinka haysta Carruurta looga saari karo iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay u midooban difaacida caruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta haweenka iyo xaquuqul Insaanka, Maxamed Cumar oo isna halkaas ka hadley ayaa ku dheeraaday qodob muhiim u ah carruurta, isagoo tilmaamay in cruurta laga soo dhiso dhinaca aqlaaqda wanaagsan oo meesha ka saari karta in carruurta ay ku dhacaan falal fool xun oo noloshooda dib u dhiga. 

Deeqa Macallin Cali oo u ololeysa arrimaha carruurta, isla markaana madax ka ah hay’ada Deeqsan Foundation ayaa ka hadashay dhibaatooyinka caafimaad-darro ee haysta carruurta Soomaaliyeed, iyadoo tiri. “Waxaan soo maray inta badan gobolada Soomaaliya waxaa ka jira xaalad aad u daran oo haysta carruurta iyo haweenka oo si dhib yar loo daweyn karo.” Iyadoo xustay in haddii la iskaashado wax laga qaban karo dhibaatooyinkaas.

Waxaa isagana xafladda ka hadlay Axmed Diini oo ka socda hay’ada Tubta Nabadda oo ka mid ahayd Hay’adihii wax kasoo agaasimay Xafladda Maalinta Carruurta ayaa wuxuu yiri. “Dhammaanteen waa waajib ina wada saaran sidii carruurteenna aan uga badbaadin lahayn dhibaatooyinka haysta; taasoo dib u dhigtay in badan oo ka mid ah carruurteenna.”

Dhanka kale, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha DFS oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri. “Korriimada iyo bar-baarinta Carruurta waa mas’uuliyad saaran dhammaan ummadda Soomaaliyeed, marka waa inaan u istaanaa sidaa aan wax ugu qaban lahayn Carruurteenna meel kasta oo ay joogaan.” 

Ugu dambeyn, Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Aadanaha Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar oo iyadana hadashay ayaa tiri. “Waxaa jira dhibaatooyinka noo muuqda sida tacliin la’aan, caafimaad-darro iyo inaysan jirin cid iska xil-saartay in wax loo qabto dhallaanka Soomaaliyeed.” Waxayna ka dalbatay ummadda Soomaaliyeed inay u istaagaan daryeelida caruurta Somalia ee ay dhibaatadu ku haysato gudaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya