4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
WARBIXIN: Magaalada Muqdisho oo Kaalinta 2-aad ka gashay koritaanka Magaalooyinka Dunida


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Hay’adda
Demographia World Urban Areas oo Xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Muqdisho ay ka mid tahay magaalooyinka sida dhaqsaha badan u koraya calaamka, sidoo kalena ay shacabka ku nool kordhayaan.

Warbixinta hay’addu ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada ugu horreysa caalamka ee soo koraysa ay tahay Batam oo ku taalla wadanka Indonesia, iyadoo la sheegay in shacabka ku nool ay tiradoodu tahay 1.1-milyan, ayna sanad kasta ay shacabkeedu kordhan 7.4%.

Magaalada labaad ee ayay hay’addani ku sheegtay inay tahay caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in tirada shacabka ku nool ay gaarayaan 2.1-milyan oo qof oo la sheegay in shacabkeedu ay kordheen 6.9%. Waxayna intaas ku dartay warbixintu in ay sabab u tahay dib u soo kabashada Muqdisho amniga xilligan jira kaddib in ka badan 20-sano oo ay colaado sokeeye ka jireen, iyadoo Somali ah oo dibadaha ku noolaana ay dib ugu laabteen.

Sidoo kale, magaalada saddexaad ayaa noqotay magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka Burkina Faso, taasoo ay ku nool yihiin 2.7-milyan oo ruux, ayna kordhaan 6.8%. iyadoo la xusay in magaaladaas ay maal-gashadaan  ganacsato badan oo caalami ah.

Kaalinta afaraad ayaa waxaa gashay magaalada Xiamen oo ku taalla waddanka Shiinaha oo ay ku nool yihiin 4.4-milyan, taasoo ay shacabkeedu kordheen 6.7%. waxaa kaloo iyana ka mid ah magaalooyinka China ee koraya Yinchuan, taasoo ay ku nool yihiin 1.6-milyan oo qof, ayna kordheen 6.1% sannadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, daraasad kale oo ay soo saartay hay’ad Oxford lagu magaaabo ayaa lagu xusay horumarka dhanka dhaqaala ah magaalooyinka dunida ah; iyadoo lagu sheegay inay yihiin 770 magaalo oo Afrika ah uu dhaqaalahoodu kor ugu kacayo si xowli ah.

Magaalooyinka Qaaradda Afrika ee dhaqaalahoodu kordhayo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin; caasimadda Niger ee Niamey, kaalimaha kalena waxaa liiskan ka galay Abuja oo ah xarunta Nigeria, Lusaka oo ah xarunta Zambia iyo magaalada Ouagadougou oo iyadana ah caasimadda dalka Burkina Faso.

Tanzania ayaa la sheegay in magaalooyinkiisa ay aad ugu kordhayaan dalxiisayaasha oo la sheegay inay booqdaan waxayna magaalooyinkaas kala yihiin; Dodoma, Mwanza iyo Dar Es Salaam, kuwaasoo la sheegay inay dhaqaale badan ka helaan dalxiisayaasha caalamiga ah ee taga.

Ugu dambeyn, hay’adda consultancy Demographia ayaa warbixinteeda waxay ku sheegtay in magaalooyinka dhaqsaha u koraya ay caalamka uga yaallaan meelo kala duwan, ayna ku jiraan qaarkood dhibaatooyin aan xad lahayn, isla markaana aanay ka jirin shuruucdii lagu hagi lahaa kororka magaalooyinkaas ay sameynayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya