4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Haile Gebrselassie oo rasmi ahaan u sheegay inuu Tartamada Ororddada ka Fariisanayo


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Orod-yahanka u dhashay waddanka Itoobiya ee Haile Gebrselassie oo haysta billado kala duwan oo caalami ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka sheegay maanta inuu ka fariisanayo ciyaaraha oroddada.

Haile Gebrselassie ayaa bishii May ee sanadkan oo uu uu ka qayb-galayay tartan ka dhacay magaalada Machester ee Britain ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu orodadda ka fariisto, inkastoo uusan sheegin xilliga uu ka fariisanayo ciyaaraha 

Sidoo kale, Haile Gebrselassie oo jabiyay 27-rikoor oo caalami ah ayaa ku guuleystay inuu tartankii olombika laba billadood oo dahab ah, sidoo kale wuxuu ku guuleystay lix bilad oo caalami ah. 

Orod-yahankan oo 42-jir ah ayaa isagoo ku sugan Addis Ababa wuxuu VOA-da u sheegay inay qiimo weyn ugu fadhiyaan tartamadii uu ka qayb-galay, laakiinse wuxuu sheegay inay xusuus gaar ah ku reebtay guushiisii orodka 10,000 mitir ee tartankii olombikada adduunka ee lagu qabtay magaalada Sydney sannakii 2000.

"Ma jiraan wax aan la bar-bar-dhigi karo tartankii Sydney ee dhacay sannadkii 2000, sida tartankaas loosoo agaasimay iyo dhinac walba wuxuu ahaa midkii ugu qiimaha badnaa ee dunida ka dhaca," ayuu yiri Haile Gebrselassie.

Ugu dambeyn, Gebrselassie ayaa ciyaaraha tartanka orodadda ka fariisanaya kaddib markii uu dalkiisa Itoobiya uga qayb-galay orodo caalami ah muddo ka badan muddo 25-sano ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya