4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Xaaladda Magaalada Beledweyne oo Maanta degen iyo Waddooyinkii Xirnaa oo dib loo Furay


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Xaalada magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa degen, kadib shirar aan loo kala kicin oo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo odayaasha dhaqanka tan iyo maalintii shalay ku lahaayeen magaalada.

Waxaa dib u bilaawday dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, isku socodka gadiidka iyo dadweynaha Waddada laaamiga ah ee Hal-bowlaha u ah magaalada  oo maalmihii ugu dambeeyayba u xirneyd maleeshiyaad ka careysnaa dilkii 14-kii Novebmer loo geystay sarkaal ka tirsanaa QM.

Ugaas C/raxmaan Ugaas oo la oran karo waxaa uu si shaqsi ah ugu istaagay soo af-jaridda xiisadda, isagoo dhinaca kale ku guuleystay inuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax dib ugu soo celiyo xarunta maamulka gobolka, kaddib markii maleeshiyaadii xiratay maalintii shalay magaalada iska hortaageen guddoomiyaha inuu xarunta maamulka tago, taasoo sababtay in ilaalada guddoomiyaha iyo garabka kale ee kasoo horjeeda dhaq-dhaqaaq u muuqday mid dagaal ay ka billaabaan magaalada.

Dadka ku dhaqan magaalada oo maalmihii aynu soo dhaafnayba si weyn ugu jah-wareer-sanaa xiisadda ka taagneyd magaalada baqdin weynna ka qabay dagaal  dhaca, ayaa soo dhaweeyay xalinta qeyb ka mid ah xiisadii jirtay.

Inkastoo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax uu xilligaan ku sugan yahay xarunta maamulka gobolka, dhinaca kalana waxaa wali soconaya kulamo kala duwan ay leeyihiin guddiyo loo saaray dhameystirka dadaalka nabadeed ee socda.

Lama oga ilaa iyo hadda doorka dowladda ee la xiriira xalinta khilaafka iyo is-mari-waaga taagan iyo halka ay wax u marayaan guddigii ka socday laamaha ammniga iyo cadaallada ee loo saaray baarista falka dilka ah iyo qaabkii uu u dhacay, kuwaa oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa xarunta AMISOM ee dulleedka magaalada Beledweyne.

Marka laga soo tago in la furay waddooyinkii xirnaa ee magaalada wali waxaa taagan uu u baahan in xal loo helo doodda la xiriirta qaabkii uu u dhacay dilka Sarkaalka QM oo lagu eedeynayo inay geysteen ilaalada guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, xiisada dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka taagneyd magaalada ayaa saameyn ku yeellatay nolasha caadiga ah ee dadweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya