4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Kulan loogu duceeyay marxuum Cawke oo lagu qabtay magaalada Minneapolis (SAWIRRO)


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay xalay kulan loogu duceynayay ALLAHA u Naxariistee, Wariye Axmed Xasan Suufi Cawke, waxaana kasoo qayb-galay saxafiyiin, abwaanno, fannaaniin, macallimiin & saaxiibo gooni ah oo uu lahaa.

Kulankaoo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna marxuumka Illaahey uga baryay inuu u dambi dhaafo ,Jannadiina ugu bishaareeyo

Waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Maxamed Mursal iyo C/raxmaan Sheekh Mursal oo ka mid ah wariyeyaashii ay ka soo wada shaqeeyeen warbaahinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan Radio Muqdisho.

“Cawke wuxuu ahaa wariye wadani ah, aftahan ah, xigmad badan, fir-fircoon, mar kastana diyaar u ahaa shaqadiisa” ayuu yiri C/qaadir Mursal oo intaas ku daray. “Cawke sidoo kale wuxuu ahaa xirfadle saxaafadeed oo aqoon  durugsan u leh warbaahinta iyo dhaqankeeda”

Macallin Siciid Saalax ayaa isagana kulanka ka sheegay in Cawke ahaa saaxiibka qof kasta oo Soomaaliyeed. “Wuxuu ahaa nin  wanaag iyo karti leh, waana ka xumahay geeridiisa, Illaaheyna waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisgto,” ayuu yiri Macallin Siciid Saalax

Hibo Nuura iyo Cadar Kaahin oo ka mid ah fannaaniita Soomaaliyeed ayaa iyana sheegay inay aad uga naxeen geeridda Cawke. “Magaca Hiba - Nuura - waxaa ii bixiyay Cawke, wuxuuna ahaa shaqsi igu weyn oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin cid kasta la kaftama.”

Maxamuud Mascadde oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA, kana mid ahaa qaban-qaabiyaashii ducadan iyo Siyaad Cali oo ka mid ah guddoonka waxbrashada ee magaalada Minneapolis ayaa madaxda dowladda Somalia ka codsaday inay Cawke ugu magacdaraan midkood Jaamacad ama Waddo, si maamuuskiisa iyo magaciisa aan loo hilmaamin.

Ugu dambeyn, xubnihii kale ee ka hadlay Xuskaan ducada ah ayaa sidoo kale tacsi u diray xaaskii, carruurtii, eheladii, qaraabadii & saaxiibadii uu ka geeriyooday marxuum Axmed Xassan Cawke Allaha u naxariistee.

Faarax Blue, Hiiraan Online
fblue@hiiraan.com  
Minneapolis, Minnesota