4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2015
Golaha Ammaanka ee QM oo Meel-mariyay Qaraar ogolaanaya in lala dagaalamo Kooxda ISIS


Sabti, November 21, 2015 (HOL) — Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraar ay soo gudbisay dowladda Faransiiska, kaasoo oo Paris ay ku dalbanaysay in la ballaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS oo dhawaan weerar ku qaadday xarunta Faransiiska ee Paris.

Qaraarkan ayaa ogolaanaya in dalalka awoodda leh oo odhan ay ka qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah ISIS, si kooxdaas oo awood ku leh Ciraaq iyo Suuriya loo cirib-tiro.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii lagu qaaday magaalada Paris 13-kii bishan Oktoobar, kaasoo ay natooda ku waayeen 129-qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 350-qof oo kale.

Sidoo kale, xukuumadda Paris ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo ciidan ay wax u dhimi karto kooxda ISIS, isla markaana ay weerarrada ka dhanka ah kooxdan ay yihiin kuwo xaq ah; iyadoo waddamada Yurub ugu baaqday inay dagaalladan ka qaybgalaan.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dowladaha dagaalka kula jira kooxda Daacish, si awooddooda loo dhimo, isla markaana looga guuleysto kooxdan oo ay ku tilmaameen mid caqabad ku ah ammaanka Dunida oo dhan.

Dhanka kale, xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa dhowr casho ka hor sheegay in Daacish ay la kulmi doonaan culeys ka baaxad weyn kii hore, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo af-jari doono.

Waddamada Ruushka iyo Faransiiska ayaa haatan si dhow isaga kaashanaya duqeymo joogto ah oo maalmihii u dambeysay ku socday magaalooyin dalka Suuriya ku yaalla, kuwaasoo ay saldhigyo ku leedahay kooxda ISIS.

Ugu dambeyn, ansixinta qaraarkan ka dhanka ah kooxda ISIS ayaa imaanayaa kaddib markii kooxdu ay sheegatay mas’uuliyadda weerarradii Paris lagu qaaday toddobaad ka hor, kuwaasoo ahaa kuwii ugu xoogganaa ee dalkaas ka dhaca muddo sannado ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya