1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2015
SAWIRO: Shir ku saabsan Caafimaadka Caruurta iyo Haweenka oo lagu Qabtay Dalka Mareykanka


Sabti, November 14, 2015 (HOL) — Shir ku saabsanaa horumarinta caafimaadka dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed ayaa shalay ka dhacay Jaamacadda Minnesota, waxaana ka soo qeybgalay wakiillo uu ka mid ahaa Congressman Keith Ellison,  khuburo caafimaad oo ka socday QM, dhaqaatiir, cilmi-baareyaal ka tirsan jaamacadaha Mareykanka, qoraayaal iyo xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladda Minneapolis.

Shirkan waxaan soo qaban-qaabiyay ururka ISU-ROON ee u ololeeya caafimaadka iyo bad-qabka  dumarka, waxaana Fartuun Wehliye oo ah madaxa rururkaas ay sheegtay inay jiraan haween badan oo Soomaaliyeed oo ay dhibaato ka soo gaarto inta u dhexeysa xilliyada uurka ilaa dhalmada, waxayna sheegtay qaarkood ay isku geeriyoodaan.

“Ma jiraan qalab iyo dhaqaatiir caafimaad oo la socda xaaladda dumarka Soomaaliyeed xilliga ay uurka qaadaan ilaa inta ay ka umulayaan, taasina waxay sababtaa inay isku dhintaan haween badan” ayay tiri Fartuun, oo intaas ku dartay “Nafaqa-darrada, faqriga iyo baahidu waxay qeyb ka yihiin umul raacashada, waayo haddii aysan hooyadu helin daryeel ku fulan waxay dhaleysaa ilmo miisaankoodu yaryahay oo u nugul xanuun kasta”

Fartuun ayaa sheegtay inay qorsheynayaan in maadaama ay jirto baahi caafimaad oo xoog leh ay inay furi doonaan xarumo waaweyn oo caafimaad oo qalabkoodu u dhameystiran, ayna tababaraan ilaa 7,000 oo shaqaale caafimaa ah oo ay ugu horeeyaan umulisooyin xirfadooda ku shaqeysta.

Congressman Keith Ellison oo ah wakiil laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa hey’adda Isuroon uga mahadceliyay dadaalkeeda ku aadan horumarinta caafimaadka haweenka iyo caruurta.

“Horumarka iyo caafimaadka haweenku waa guusha iyo barwaaqada qoyska, waxaan qasab ah in mar kasta laga taxadaro, aniguna gacan weyn ayaan ka geysanayaa ololahan” ayuu yiri Keith Ellison.

Prof. Tawara Goode oo ka socotay Jaamacadda Georgetown University iyo Eric Schwart oo ah hormuudka machadka Humphrey ee jaamacadda Minnesota ayaa iguna ka hadlay shirkan.

“Maal-galinta carruurta iyo dumarka waxay faa’iido u tahay dal kasta oo horumar doonaya, waxaaan qasab ah in mar kasta laga hadlo dhibaatooyinka lagu hormarin karo dumarka iyo carruurta, si looga gudbo caqabadaha nololeed” ayuu yiri Erick Schwart.

Dr. Achu Lordfred oo ka socday hey’adda UNFPA ee Qaramda Midoobay, Dr, Kolawole Okuyemi oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota, Xamse Warfaa oo ah qoraa Soomaaliyeed, Abdrizak Farah oo ka socday  DHS-CRCl , Sandra Pappas oo ka tirsan golaha deegaanka Minnesota iyo khuburo kale ayaa iyaguna ka hadlay shirkaas oo ahaa mid hal maalin ah.

Ugu dambeyn, xubnihii ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo shirkaas ka soo qeyb galay ayaa sheegay inay ku kalsoonyihiin dadaalka hey’adda Isuroon, waxayana sheegeen inay ku garabsiinayaan horumarinta iyo bad-baadada dumarka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota