Talaado, November 10, 2015 (HOL) — Illaa sideed qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhacay magaalada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag, kaddib markii ciidanka amniga iyo dad careysan iska hor imaad ku dhexmaray.
Sida wararku sheegayaan rabshadahan ayaa ka bilaabmay, kaddib markii ciidanka boolisku dooneen inay soo qabtaan sarkaal ciidanka booliska ka tirsan oo eedeemo loo haysta, hase yeeshee waxa arrintaasi ka hor yimid dadweyne taageersan sarkaalkaas taasina ay keentay in rasaas ay ciidanku rideen ku dhacdo illaa sideed qof oo shacab ah.
Iska hor imaadkan ayaa dhaliyey mudaharaad lagaga soo horjeeddoo ciidanka booliska ee magaaladda Ceerigaabo iyo qabashadda sarkaalkaas ay ciidamadu doonayeen inay gacanta kusoo dhigaan.
Magaalada ayaa hadda dagan, waxaana dhaawacyadaasi lagu daweynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online[email protected]Hargeysa, Somaliland