10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2015
Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo Maanta 25 Dhaawac Daweyn ugu Dirtay Qatar (SAWIRRO)


Talaado, May 05, 2015 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Somalia ayaa u dirtay maanta dalka Qatar 25-qof oo qaba dhaawacyo kasoo gaareen weerarro iyo qaraxyo hore uga dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayay dalka gudihiisa.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somalia, Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa uga mahad-celiyay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad bin Khalifa Al Thani iyo ra’iisul wasaarihiisa, Sh. Abdullah bin Nasser bin Khaliifa Al Thani dadaalka muuqda ee ay ku garab-taagan yihiin dowladda iyo dadka Soomaaliya, isagoo xusay in dhaawacyada lagu soo daweynayo Qatar ay ku jiraan laba gabdhood oo mataano ah oo isku-dhegen.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka ayaa bogaadiyay kaalinta bani’aadamnimo ee dhaawacyada ay ku daweyneyso dowladda Qatar, iyadoo dhaawacyo kale oo horay loogu qaaday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Saudi Arabia ay haatan xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.

Cismaan Daallo ayaa caddeeyay in wasaaraddiisu ay ku howlan tahay soo celinta adeegyada iyo kaabayaasha caafimaadka dalka, si looga maarmo howlo caafimaad oo dalka dibaddiisa loogu safro.

Dhanka kale, waxaa isagana hadlay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Maxamed (Kediye) oo kaga mahad-celiyay madaxda Qatar taageerada ay la garab-taagan yihiin Somalia, isagoo xusay in sii-hayaha safaaradda Qatar ee Somalia, Inj. Hassan bin Hamza Asad Mohammed uu  kaalin firfircoon ka qaatay fududeynta in dhaawacyadan ay helaan daryeel iyo adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Ugu dambeyn, Kadiye ayaa tilmaamay in dowladda Qatar oo Somalia uu kala dhexeeyo xiriir taariikh ah oo qoto-dheer, ayna gacan weyn ka geysatay sidii ay Somalia uga soo kaban lahayd dagaalladii iyo colaadihii ay soo martay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya