Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo booqday xarumo muhiim ah oo ku yaalla Kismaayo [SAWIRRO]
Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray xarummo muhiim ah oo ku yaal magaalada Kismaayo.
Raysul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku bilaabay bangigii hore ee ganacsiga, kaasoo dhawaan lagu bilaabay howlo dib loogu dayactirayo, iyadoo bangigagani uu burbursanaa tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii hore ee Soomaaliya.
Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa oo kormeerkooda sii watay ayaa booqday xarunta Smart Technology ee sameeysa aqoonsiyada sharciga ah iyo weliba taarikooyinka gaadiidka, isagoo warbixinno ku aadan howlaha shaqo ee xaruntaasi ka dhageystay madaxda xarunta smart Technology ee magaalada Kismaayo.
Sidoo kale raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa tagay xarunta rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ay ku leedahay magaalada Kismaayo, isagoo socod ku maray xafiisyada kala duwan ee xaruntaasi, waxa uuna sidoo kale warbixin ku aadan rugta ganacsiga iyo warshada Jubbaland ee JCCI ka dhageeystay gudoomiyaha rugtaasi Shaafi Raabi Kaahin, kaasoo sheegay in ganacsatada Jubbaland ay u baahanyihiin in ay dowladda Soomaaliya ka helaan garab istaag iyo wada shaqeyn toos ah.
Goobaha ay booqdeen waxaa sidoo kale kamid ah Dhisme casri ah oo laga hirgelinayo nawaaxiga dekedda Kismaayo, iyo weliba dhismeyaal kale oo dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxa uuna raysal wasaaruhu bogaadiyay dib u dhiska ka socda magaalada Kismaayo.
Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kormeerkooda kusoo gabagabeeyay dekedda magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xirnaayeen maraakiib iyo doomo ganacsi, kuwaasoo siday shixnado ganacsi oo kala duwan, waxaana intaa kadib uu wafdigu dib ugu laabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Musharraxnimada DANJIRE AXMED C/SALAAN oo ay Taageereen siyaasiyiin caan ah (SAWIRRO)
- SHARIIF XASAN oo Maanta Baydhabo la kulmay Wariyeyaasha ka Howlgala G. Bay (SAWIRRO)
- Madaxa Xafiiska QM ee Taageerada AMISOM oo Maanta booqasho ku tagay Baydhabo+SAWIRRO
- SAWIRRO: Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta burburisay Dhismayaal Sharci-darro ah
- Guddoomiyihii Hore ee Degmada Isku-shuban oo Gellinkii Dambe ee Maanta Toogasho lagu Dilay
- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Bari oo Maanta Amar ku bixisay in lasoo Xiro Laba Wariye
- BOOSAASO: Qoxooti ka badan 2,000 oo ka soo Cararay Yemen oo Maanta soo gaaray Puntland
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Bari iyo Boosaaso
- Saraakiil Sare oo ka Tirsan Xiriirka FIFA oo loo Xir-xiray eedeymo la Xiriira Wax-is-dabamarin
- DAAWO: War-murtiyeedkii lagu kala saxiixday degmada Kismaayo iyo Kormeerkii RW Somalia
- Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Maanta ka Dooday Arrimaha Qoxootiga & Amniga (Sawirro)
- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Muddada u kordhiyay Xafiiska QM ee Somalia
- BUJUMBURA: Dagaallo & Dibadbaxyo weli socda iyo NKURUNZIZA oo ka Hadlay Doorashooyinka
- Puntland oo kasoo horjeesatay tira-koobkii ay shaacisay dowladda Federaalka Soomaaliya
- Xisbiyada Somaliland oo Aragtiyo kala duwan ka qaba sii socodka Wadahadallada Xukuumadda
- Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia kawada tirsan ku Dhexmaray Magaalada Muqdisho
- Kulan lacag loogu ururiyay Wadada isku-xira Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)