4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Doorashadii Madaxnimo ee ka Qabsoomi lahayd Somaliland oo dib loo Dhigay


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Doorashooyinkii madaxnimo ee bartamaha sanadkan ka dhici lahaa Somaliland ayaa lagu dhawaaqay maanta in dib loo dhigay, iyadoo hadalkan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Somaliland.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xusay in muddo sagaal bilood ah  dib loo dhigay doorashada, iyagoo intaas ku daray in diiwaan-gelinjta cod-bixayaasha oo sharci ah si ay doorashooyinku u qabsoomaan la billaabayo dhammaadka bisha July ee sannadkan 2015-ka.

Sidoo kale, guddiga oo ay weheliyeen wakiillo ka socda saddexda xisbi ee Somaliland ka jira ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI ayaa waxay sheegeen inay ku dhameystirayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha sagaalka bilood ee dib loo dhigay doorashooyinkii dhici lahaa 26-ka Juun ee sannadkan.

“Waxaanu isla garanay innaga iyo xisbiyada inaan Ramadaanka la shaqeyn karin, waxayna diiwaan-gelintu billaabanaysaa dabayaaqada bisha July ee sannadkan oo ku beegan marka Ramadaantu dhammaato, laakiinse hawsha guddiga ma aha mid halkaas ka billaabanaysa ee way soconaysaa,” ayuu yri Siciid Cali Muuse oo warfidiyeenka kula hadlayay Hargeysa.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka, Saciid Cali Muuse ayaa ku dhawaaqay go'aamada ay guddiga doorashooyinka dib ugu dhigeen maanta doorashadii ka dhici lahayd Somaliland bartamaha sannadkan aynu ku jirno.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa tan iyo sannadkii hore ee 2014-ka si is-daba-joog ah ugu celcelinayay in haddii doorashooyinku ay xilligii loo qor-sheeyay ku dhici waayaan ay soo jeedinayaan in la kala diro xukuumadda & golaha wakiillada, balse lama oga inay wax iska bedeleen go’aankoodaas iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya