4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2015
Mudane ka tirsan Baarlamanka dalka Kenya oo laga cabsi qabo in la Afduubay


Isniin, Maarso 09, 2015 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan Golaha Hoose ee deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu oo ku yaallo Bartamaha wadanka Kenya, ayaa la layahay ku dhawaad labo maalmood iyadoona dowladda Kenya ay sheegtay iney ka cabsi qabto in la afduubay Xildhibaankaas oo ahaa xubin ka tirsan golaha deegaankaas.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Samuel Gitau Munene ayaa sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa wuxuu ka tagay gurigiisa habeenkii Sabtida abaare 8:30-kii fiidnimo; si uu lacag ugala soo saarto ATM ama mashiinnada lacagaha lagala soo saarto oo ku yaalla xarunta ganacsi ee degmada Juja.

Marwada Xildhibaanka oo lagu magacaabo Tabisha Gitau, ayaa warbaahinta u sheegtay in xildhibaanku uu ku wargaliyay markii uu guriga ka tagaayay inuu si dhaqso ah dib ugu soo laaban doono. Balse aynan mar kale dib u arkin.

Waxay sidoo kale sheegtay tabisha in xidhibaanku uunan lahayn cadow siyaasadeed; isla markaasna uunan ka cabsi qabin in deegaankiisa ay ku nool yihiin dad noloshiisa khatar ku ah.

Dhanka kale, qoyska Gitau ayaa ku wargaliyay booliiska deegaanka Juja kaddib markii ay subaxnimadii Axada ay ku arkeen baabuurkii xildhibaanka meel 200 Mitar u jirto gurigiisa xili Matoorka baabuurka uu wali daarnaa.

Florence Wairimu oo ah Hooyada dhashay xildhibaanka maqan, ayaa ka codsatay dowlada Kenya iney meel ku sheegaan wiilkeeda isla markaasna ay da-dajiyaan baaritaanada lagu raadinaayo.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada Kiambu, James Mogera ayaa isna shaaciyay inay raadinayaan xildhibaankaas oo ay uga shakisan yihiin in la afduubay.

Wuxuuna Taliyuhu intaas ku daray iney meel kasto ka raadinayaan, isagoona ka codsaday dadka deegaanka iney ku war galiyaan ciidamada ammaanka hadii ay helaan warbixino ku saabsan masuulkaas maqan.

Sidoo kale, Mogera ayaa warbaahinta u sheegay in habeen hore abaaro 10 habeenimo, ay aheyd markii ugu war dambeysay xildhibaankaas oo Ganacsato ay ku arkeen gudaha deegaanka Juja. Xili uu la hadlaayay dad aynan garaneynin.

Si kastaba ha ahaateen, 07-dii bishii aynu soo dhaafnay ee February ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabi jiray George Muchai ay kooxo hubeysan ku toogteen wadada Kenyatta Avenue ee magaalada Nairobi xili uu halkaas maraayay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya