WARBIXIN: Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Dhawaan la furi doono (SAWIRRO)

Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Iyadoo shirkadda FAVORI LLC ee laga leeyahay dalka Turkiga ay dhisme casriyeyn ah kawado garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa HOL u suuro-gashay inay wareysi ku saabsan casriyeynta garoonka diyaaradaha la yeelatay madaxa shirkadda casriyeynaysa garoonka diyaadaha Muqdisho.

Madaxa FAVORI LLC, 000000000000000 ayaa u sheegay HOL in garoonka Aadan Cadde uu ka koobanaan doono afar qaybood oo kala ah; laba qayb oo duulimaadyada gudaha ah iyo laba qaybood oo duuliymaadyada caaalmiga ah ee dibadda.

Dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdsho ayaa ah mid loo dhisyo hababka casriga ah ee garoommada caalamka, iyadoo Terminal walba uu yeelanayo masjid ay ku tukadaan dadka dhoofaya iyo kuwa soo daga iyo weliba meel ay ku weeseystaan, taasoo aysan lahayn garoommo badan oo caalamka ku yaalla.

Sidoo kale, garoonka ayaa yeelanaya laba qaybood oo VIP ah, kuwaasoo mid ka mid ah ay mari doonaan madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa halka kan kalena ay mari doonaan xubnaha kale ee dowladda Soomaaliya ka tirsan; sida agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda Somalia.

Mar ay HOL weydiisay madaxa shirkadda FAVORI LLC 000000000000 su’aal ahayd maxaa iska bedeli kara nabad-galyada garoonka diyaaradaha Xamar, maadaama hadda uu yahay mid ay cid walba iska soo geli karto oo xitaa ay taksiilayaashu gudaha garoonka kuugu imaanayaa, wuxuuna ku jawaabay.

“Waxaan sameynaynaa nidaam cusub oo ammaanka lagu adkaynayo, mana dhici doonto inay cid walba iska soo gelasho. Tusaale ahaan garoonka waxaa  soo geli kara oo keliya shaqaalaha shirkadda FAVORI LLC, iyadoo ruuxii kale ee doonaya inuu soo galo garoonka laga sawiri doono suulkiisa, mana dhici doonto inay cid walba iska soo gasho,” ayuu yiri 000000000000000.

Isagoo sii hadlaya 0000000000000 ayuu HOL u sheegay in garoonka lagu xiri doono 70 kaamiro oo nooca CCTV-ga loo yaqaan ah, kuwaasoo lagala socon doono dhaq-dhaqaaq gudaha garoonka diyaaradaha. Iyadoo ay ka caawin doonaan kaamirooyinkan sidii loo heli lahaa muuqaallo ku saabsan hadday ay wax ka dhacaan gudaha garoonka.

“Ammaanka garoonka xoogga ayaan saari doonnaa, waayo wadankan waxaa ka jira kooxo argagaxiso ah oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya, waana taas midda keentay inaan xoogga saarno sugidda amniga garoonka diyaaradaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. 0000000000.

Sidoo kale, wuxuuna intaas ku daray. “Garoonku wuxuu yeelan doonaa hotel habka casriga ah ee hoteellada caalamka u dhisan, kaasoo ka kooban 150-qol, waxaa kaloo uu yeelanayaa maqaayad laga cunteeyo iyo hool weyn oo kuwa shirarka ah.”

Mr. 0000000000000 ayaa xusay in garoonku loo sameyn doono Taawar casri ah oo laga hago diyaaradaha, isagoo sheegay in iyagoo kaashanaya waaxda duulista hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ay keeni doonaan qalab casri ah oo laga hago diyaaradaha dagaya iyo kuwa ka duulaya.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa loo sameynayaa immigration-ka ama waaxda socdaalka oo ay ku rakiban yihiin qalab casri ah oo lagu baarayo baasaboorrada ay wataan dadka soo dagaya iyo kuwa ka duulaya, kaasoo u shaqeyn doona qaababka garoommada caalmiga ah,” ayuu HOL u sheegay madaxa FAVORI LLC.

Dhanka kale, Mr. 000000000000 oo ka hadlay dhismihii hore ee garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dhammaantiis la baabi’in doono isla markaana laga dhigi doonaa Parking weyn ama goob gaadiidka la dhigto oo casri ah; iyadoo lala socoonayo qofka soo galaya iyo kan ka baxaya.

Ugu dambeyn, garoonka diyaaradaha Xamar ayaa dhawaan laga hirgeliyay Terminal cusub oo ay xarrigga ka jareen madaxweynaha Somalia iyo kan Turkiga, iyadoo maalin walba ay garoonka soo cago-dhigtaan diyaarado waaweyn oo caalami ah, kuwaasoo ay mid tahay diyaaradda Turkish Airlines.

Si kastaba ha ahaatee, garoonka diyaaradaha Xamar ayaa noqon doona mid casri ah; waxaa la furi doonaa bishan Maarso ee lagu jiro, iyadoo dhismahan casriga ah ee garoonka uu noqonayo mid wax weyn ka bedeli doona aragtida guud ee garoonka iyo howlihiisa.

Hiiraan Online, News Desk