Al-shabaab oo Digniin u jeedisay Milkiilayaasha Hoteellada ku yaalla Muqdisho
Axad, Maarso 29, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, Sh. Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo ka hadlay weerarkii maalin ka hor ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Maka Al-Mukarama ayaa sheegay in weerarkaas ay ka gaareen hadafkii laga lahaa.
Sh. Cali Jabal ayaa ku hanjabay in xoogaggooda ay geysan doonaan weeraro ka dhan ah saraakiisha dowladda Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Somalia, gaar ahaan Muqdisho.
Mas’uulkan ayaa digniin u diray milkiilayaasha hoteellada ku yaala Muqdisho, isagoo uga digay inay ka feejignaadaan shakhsiyaad uu ku sheegay inay soo dirsatay dowladda federaalka oo ka howlga hoteellada.
“Annaga way naga go’an tahay inaan weerarrada noocan oo kale ah sii wadno, waxaaa uga digaynaa milkiilayaasha hoteellada Muqdisho inaiy hoteelladooda ka kireeyaan xubnaha ka socda dowladda,” ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.
Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerareen hotel Maka Al-Mukarama, iyadoo ay weerarkaas ku dhinteen 21-qof oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa noqonayaa kii ugu mudada dheeraa oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho sannadkan, waxaana uu noqonayaa weerarkii labaad oo muddo bil gudaheed ay ka Al-shabaab ka geysato hoteelka Maka Al-Mukarama.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya