5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 27, 2015
Dowladda Uganda oo shaacisay inay heshay hanjabaad kaga timid Al-shabaab


Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay si aad ah u adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay heshay hanjabaadyo dhanka argagaxisada ha oo ay Al-shabaab doonayso inay dalkeeda ka geysato.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Arbacadii lasoo dhaafnay ay safaaradda Mareykanka ee Kampala shaacisay inay Uganda ka dhici karaan weerarro argagaxiso oo ay geysato kooxaha Islaamiga ah ee Soomaaliya ka jira.

Afhayeenka millateriga Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay inay jiraan warar la helayo oo sheegaya in Al-shabaab oo horay qaraxyo uga geysatay Kampala ay isku dayayaan inay marka qaraxyo ka geystaan.

“Mar hore ayaan helnay hanjabaady… innaguna waxaan talooyin siinnay shacabka,” ayuu yiri Ankunda oo intaas ku daray. “Waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno wax walba oo khatar ku ah dalkeenna iyo dadkeenna.”

Uganda ayaa waxay udub-dhexaad u tahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda, iyadoo ahayd dowladdii ugu horreysay oo ciidamadeeda u soo dirta dalka Somalia si ay qayb uga qaataan dadaallada loogu jiro nabadeynta Somalia.

Ankunda ayaa sheegay in khatarta kusoo wajahan dalkooda ay u arkaan inay tahay mid aad u hooseysa, balse ay dublamaasiyiinta reer galbeedka ah ee waddanka Uganda ku sugan ay meel-sare gaarsiinayaan khatarta.

War-saxaafadeeda laga soo saaray safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha iyo muwaadiniinta Mareykanka ah ay dingooni aad u sarreysa muujiyaan, ayna ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado.

Xarakada Al-shabaab ayaa sannadkii 2010-kii laba qarax oo ismiidaamin ahaa ka geystay magaalada Kampala, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen 76-qof oo u badan dad daawanayay ciyaaro kubadda cagta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya