10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2015
FAAHFAAHIN: Wasiirradii Dowladda Somalia ee gaaray Kismaayo [SAWIRRO]


Isniin, Maarso 23, 2015 (HOL) — Wafdigan oo uu hogaaminay wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Max’ed Odowaa ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeennada maamulka Jubbaland, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland iyo madax kale.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiirka macdanta iyo batroolka dowladda Soomaaliya Mudane Max'ed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru dowlaha xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/raxmaan Dheere iyo weliba xubno ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya.

Soo dhaweyn kadib ayaa wafdiga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Intaa kadib wafdiga ayaa booqday xarunta Caymiska oo uu ka socdo shirweeynaha la doonayo in lagu dhiso baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo weliba qaar kamid ah salaadiinta.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga oo khudbad kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka qeybgalo shirka lagu soo dhisayo baarlamanka Jubbaland, isagoo ku amaanay madaxda maamulka Jubbaland dhinacyada nabadgelyada iyo dib u dhiska degmada Kismaayo.

Wafdiga ayaa intaa kadib dib ugu laabtay xarunta madaxtooyada, waxaana qado kadib si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane C/raxmaan Max’ed Odowaa.

Madaxdan ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-shabaab, dhinacyada horumarka iyo weliba sidii loo dhamestiri lahaa maamulka Jubaland.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubbaland ay kula dardaarmeen in la qanciyo beelaha dega deegaanadan Jubooyinka isagoo xusay in sidoo kale ay ku booriyeen in ahmiyad gaar ah la siiyo haweenka.

Booqashadan ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya uu ku yimaado magaalada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.