4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Soomaali ka Qayb-gashay Bandhig Cunno oo lagu qabtay Norway (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Bandhig dhanka cunada ah oo sanad walba hal mar lagu qabto machadka sare ee Voksenopplæring oo ku yaalla magaalada Tromsø ee Waddanka Norwey  ayaa waxaa ka qaybgalay sannadkan in ka badan 400 arday oo ka kala yimid in ka badan 20 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Goobta ayaa lagu soo bandhigay cunnooyin kala duwan oo ay dhaqan ahaan isticmaalaan qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay muwaadiniintoodu haatan wax ku bartaan gudaha dalka Norway, gaar ahaan mahcadka sare ee voksenopplæring.

Dadkii kasoo qeybgalay Xafladdaas oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin kala, macallimiint iyo arday ayaa si aad ah ula dhacay noocyadii cunno ee ay soo bandhigeen Soomaalidii bandhigga ka qaybgalaysay.

Cunnooyinkan ayaa ahaa kuwo ay Somalidu gacantooda ku soo sameeyeen,  waxaana ku jira arday wax ka barta machadka voksenopplæring, waxayna cunnadaas si aad u weyn u soo jiidatay madaxdii iyo ka qayb-galayaashu goobta ku sugnaa, iyadoo Soomaalidu ay kalin weyn ka galeen ban-dhigga.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay cunooyinka ay dalalka Mareykanka, Norwey, Ruushka, Equador, Afghanistan, Congo, Burma, China, Hindia, Syria, Ethiopia, Eratrea, Sudan, Morocco, Rwanda, Burundi, Uganda, Kenya iyo dalal kale oo caalamka ka tirsan.

Ugu dambeyn, intii ay munaasabaddu socotay waxaa suugaan xiiso badan kusoo bandhigay ardayda machadka; iyadoo munaasabadda ay lagu soo gunaanaday jawi farxad leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya