4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Isku aadka Wareega sideedaad ee Champions League oo Maanta la shaaciyay


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Isku-aadka wareegga siddeedaad ee isku aadka rubuc-dhammaadka koobka UEFA Champions League ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay Guriga Kubada Cagta Yurub ee loo yaqaano Nyon oo ku yaallo wadanka Switzerland.

Siddeeda naadi ee isugu soo hartay wareegaan, ayaa waxey wada ciyaari doonaan bisha soo socoto ee April, waxeyna ka kala socdaan Shan Wadan oo ka yaallo qaarada yurub kuwaasoo kala ah Spain, France, Germany, Italy iyo Portugal.

Sidoo kale, shaxda la sameeyayna waxay muujinaysaa in mar kale ay wada ciyaarayaan kooxo horay iskugu arkay wareeggii 16-aad ee midkaan ka horreeyay; balse mar kale ku tartami doonaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega afaraad ee horyaalkaan.

Siddeeda koox ee la isku aadiyay, ayaa waxey kala yihiin Saddex koox oo ka socoto dalka Spain kuwaasoo kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Atlético Madrid.  Labo koox oo ka socdo wadanka France oo kala ah Paris Saint-Germain (PSG) iyo AS Monaco. Halka wadamada Jarmalka ay ka socoto kooxda Bayern Munich.  Wadamada Taliyaaniga iyo Portugal ay ka kala socdaan kooxaha Juventus iyo FC Porto.

Naadiyada PSG iyo Barcelona, ayaa bsihii October ee sanadkii hore waxey ku kulmeen wareega group-yada ee tartankan, iyadoo ciyaartii hore oo ka dhacday guriga kooxda PSG ay 3 iyo 2 Gool oga badisay Parcelona, laakin bishii December ee isla sanadkii hore ayey kooxda Barcelona markeeda 3 iyo 1 oga badisay PSG ciyaar ka dhacday Garoonka Camp Nou ee guriga Barcelona.

Dhanka kale, kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid oo xilli ciyaareedkii hore ee UEFA Champion-ka isaga hor yimid ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Final-ka oo ka dhacday magaalada Lisbon ee wadanka Portugal ayaa mar kale isku arki doono bisha soo socoto wareegaan.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaarahaan oo hada maraayo meel xasaasi ah, ayaa horay waxaa loo soo reebay kooxo fara badan oo qaarkood ka ciyaaraan horyaalka English Premier League.

Sidoo kale Ciyaarta ugu dambeyso ee horyaalka Kooxaha horyaalka Yurub ee Champion-ka, ayaa waxey ka dhici doontaa Garoonka lagu magacaabo Olympiastadion ee ku yaallo Magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka 6- bisha June ee Sanadkan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya