4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Ciidamada Maamulka G/Hiiraan iyo AMISOM oo Deegaano cusub la wareegay


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Ciidammada maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM, ayaa saacadihii ugu danbeeyay la wareegay deegaanno iyo fariisimo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidammada oo ku hubeysan gadiidka dagaallka qaarkoodna lugeynaya ayaa u dhaqaaqay deegaannada bariga kaga beegan magaalada Beledweyne, waxaana u suuro-gashay duruba inay gaaraan deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka ee howlgalka qeybta ka ah ayaa HOL u sheegay in ciidammadooda xiligan ku sugan yihiin deegaanka Taree-jente oo 35-km dhinaca bariga uga beegan magaalada Beledweyne, gaar ahaan waxaa ay sheegeen saraakiisha in ciidanku fariisin ka dhigteen deegaan lagu magacaabo Bakaare-Buslle.

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaannada ku teedsan galbeedka gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidammada maamulka iyo AMISOM oo wadda jira gaareen deegaanka Buq-aqablle oo qiyaastii 60-km u jira degmada Buula-burte.

Goobaha qaar waxaa la sheegay ay jireen iska horimaadyo dhaxmaray ciidamada is-gara-bsanaya iyo xoogagga Al-shabaab lamana oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay iska horimaadka labada dhinac.

Gudddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in howl-galkan bilow u yahay qorshe ballaaran oo la doonayo sidda uu hadalka u dhigay in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka, gaar ahaan deegaannada ku hareereysan degmada Buula-burte si loo soo afjaro cunaqabateynta mudada dheer saarneyd degmada.

Al-shabaab dhinacooda wali wax war ah kama aysan soo saarin dhaq-dhaqaaqyada militari iyo howlgalka ka dhanka ah ee saacadihii aynu soo dhaafnay ka bilaawday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan,com
Beledweyne, Soomaaliya