4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
DESALEGN: Ciidankeenna ku sugan Somalia Waan la baxaynaa haddii Nabadi dhacdo


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Ra’iisal Wasaaraha Waddanka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ciidamadiisa kala baxo gudaha Soomaaliya haddii ay Somalia nabad ka dhalato.

Desalegn aya sheegay in ciidamadiisa qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay door muhiim ah ka qaataan howlgallada lagu raadinayo nabad ka dhalata Somalia, isagoo xusay inay haatan Somalia aad uga duwan tahay sidii hore.

Mar uu ka hadlay Al-Shabaab ayuu Desalegn sheegay in Al-shabaab ay tabar yar yihiin maanta, isla markaana la wiiqay awoodoodii ayna kusoo koobmeen oo keliya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, qaraxyo is-miidaamin ah iyo dilal ay si gaadmo ah ku fuliyaan.

“Haddii dowladda Soomaaliya  ay awood u yeelato sugidda ammaanka dalkeeda innagu waxaan diyaar u nahay inaan ciidamadeena la baxno,” ayuu wareysi uu siiyay Telefishinka CCTV ee dalka Shiinaha ku yiri Desalegn.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xusay inay soo dhaweynayaan isla markaana si weyn ugu faraxsan yihiin in sannadka 2016-ka ay doorasho xor ah ka dhacdo Somalia.

Hailemariam ayaa intaas ku daray in dhismaha maamullada gobollada ee dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo qayb weyn ka qaadanaya ammaanka dalka, isagoona xusay in dowladdiisu gacan buuxda siinayso maamul goboleedyada laga dhisayo dalka Somalia.

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda Somalia ka halata iyo horumarkiisa” ayuu yiri Desalegn oo sheegay; dhinaca kale in dowladda Soomaaliya u tartameyso sidii ay waddanka u gaarsiin lahayd hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Itoobiya ayaa waxaa dalka Somalia kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka ururka Midowga Afirka ee loosoo gaabiyo AMISOM oo ka howlgala gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya