4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
In ka badan 55 Ruux oo ku Geeriyooday Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Sanca


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 55 Ruux ayaa ku Geeriyooday in ka badan 200-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo maanta oo Jimco ah ka dhacay laba ka mid ah masaajidda waaweyn ee ku yaalla magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Weeraradan oo ahaa kuwo is-xigay ayaa waxaa fuliyay laba qof oo qaraxyo isku soo xiray, waxaana dadka ku dhintay qaraxyadan ka dhacay msaajidda ay intooda badan ahaayeen taageerayaasha kooxaha Xuuthiyiinta ah ee ka taliya magaalada Sanca.

Masaajidda ay weeraradan ismiidaaminta ka dhaceen ayaa waxay ka mid yihiin masaajidda ku yaalla bartamaha Sanca, iyadoo magacyadooda lagu sheegay; Beder iyo Al-Hashoosh, waxaana weerarradan ay dhaceen xilli la tukanayay salaaddii jimcaha.

“Lugo, gacmo iyo madaxyo dad dhintay ayaa daad-sanaa gudaha masjidka Al-Hashoosh. Qaraxuna wuxuu ahaa mid xooggan,” ayuu yiri Maxamed Al-Nasi oo ka mid ahaa dadkii masjidkaas ku tukanayay, isagoo hadalkiisa ku daray. “Dhiig fara badan ayaa qulqulaya gudaha masjidka.”

Sidoo kale, dad badan oo aanay waxyeello kasoo gaarin qaraxyadan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib markii ay ka daateen dariishadaha qaybta sare ee masjidka Al-Hashoosh.

Weerarkan ayaa imaanay kadib maalin markii uu iska horimaad ku dhex-maray magaalada Cadan ee Koonfurta dalka Yemen, ciidammo kala taageera madaxweynihii hore ee dalkaas iyo madaxweynaha xilka waddankaas haya; waxaana iska horimaadkaas ku dhintay 20-qof.

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa waxay bishii September ee sannadkii 2014-kii ka qabsadeen xarunta dalkaas xukuumaddii Yemen, iyagoo kasoo eryay magaalada Sanca oo dhan madaxdii iyo ciidamadii dalkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dalka Yemen ay ka dhacaan qaraxyo la mid ha kuwan oo khasaare badan ay kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya