4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Hogaanka AMISOM iyo ODA oo kulan la qaatay Somalida Honland (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Ergeyga Midowga Afrika ee Arrimaha Dalka Somalia, ahna madaxa howlgalka ciidamada AMISOM, danjire Maman S. Sidikou oo ay wahliyaan howl-wadeeno ka tirsan xafiiska howlgalka AMISOM & madaxa xafiiska waaxda arrimaha qurbo-jooga ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirri-gelinta maalgashiga - Office for Diaspora Affairs – (ODA), C/qaadir Axmed Kamtirey ayaa kulan la qaatay qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Denhaag ee Netherlands, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii qurbojoogta iyo howlgalka AMISOM ee Somalia ay isaga wareysan lahaayeen xaaladda dalka iyo howladooda, isla markaana uu is-barasho u dhex-mari lahayd dhinacyadan. Waxaana kulankan kasoo qayb-galay xubno ka tirsan Hormuudyada jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Netherlands.

Ugu horreyn waxaa kulanka hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Sh. Cumar C/lle Qaanse oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Netherlands, isagoo soo dhaweeyay talaabada hoggaanka AMISOM ee ku aaddan inay is-dhex-gal la sameeyaan qurba-joogta Soomaalida si ay ula wadaagaan talooyinka ku aadan fikirka ay ka qabaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay hoghaanka xafiiska ODA kaalinta ay ka geystaan arrimaha qurbajoogta.

Madaxa Xafiiska waxda arrimaha qurbo-jooga ee wasaaradda A, dibadda ee Soomaaliya, C/qaadir Kamtirey oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu u taagan yahay xafiiska sidii uu ugu shaqeyn lahaa arrimaha qurba-jooga, isla markaana Soomaalida ku nool dibadaha uu ugu dhiirr-gelin lahaayeen sidii ay ugu qayb-qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo ka shaqeynta horumarinta dalka.

Kamtirey wuxuu halkaas kus oo bandhigay fursado ay Qurbo-jooga Soomaaliyeed ugu qayb-qaadan karaan maal-gashiga, horumarinta, dib-u-dhiska iyo dhinaca taakuleynta dalkooda, isagoona ku boogaadiyay Soomaalida qubaha ku nool inay gacan ka geystaan hormarka la taaban karo ee xilligaan ka socda gudaha dalkooda Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia danjire, Maman S. Sidikou ayaa xubnihii kulanka kasoo qayb-galay ugu warbixiyay halka uu marayo howlgalkooda ka socda Soomaaliya ee AMISOM iyo qorshooyinka u degsan inay Hiigsadaan waqtiyada soo socda.

Danjire Maman Sidikou wuxuu sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxda oo dhex-mara Soomaalida iyo howlgalka AMISOM si looga mira-dhaliyo qorshaha AMISOM, isagoona amaanay dadaallada qurbo-jooga Somalida ee ku aadan dib ugu laabashada iyo sidii ay wax ugu badali lahaayeen dalka Soomaaliya.

"Somalia waxaa soo gaaray burbur aad u xooggan, waxayna ahayd awoodii Afrika, balse maanta weynu og-nahay halka ay joogto, taasina waxaa loogu bixi karaa iskaashi wadajir ah iyo in gacmaha la is qabsado," ayuu Sidikou ku yiri hadalkiisa.

Isagoo intaas ku daray. "AMISOM howlgalkeedu waa fara badan yahay oo waxaa qayb ka ah inaynu taageerno shacabka Soomaaliyeed, tababaridda ciidamada, ka qeyb-qaadashada dhowrista xuquuqda aadanaha, arrimaha haweenka, caafimaadka iyo kuwo kale oo quseeya arrimaha bulshada. Dadaalkeennu wuu sii socon doonnaa, balse waxaa loo baahan yahay inay bulshada nagu taageeraan. Qurbo-joogtuna waa laf-dhabarka bulshada."

Ugu danbeyn, waxaa shirka soo xirtay, Zahra Siyaad Naaleeye oo ka tirsan haweenka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha haweenka iyo la dagaalanka gudniinka fircooniga oo u mahad-celisay madaxa AMISOM iyo kuwa ODA, sida ay xooga u saareen inay kulan is-fahan la qaataan qurbo-jooga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland, si ay halkaas ugu soo baxaan tallooyin iyo fikrado ku aaddan dar-dar-gelinta horumarrada ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya