4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
RW Somalia oo xarigga ka jaray dhismaha safaaradda Somalia ee dalka Qatar


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Somalia ay ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar oo uu dhismaheedu socday muddo labo sanadood ah.

Sharma’arke iyo wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa ku ammaanay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda dadaalka ay ku bixiyeen dhismahan cusub ee safaaradda Somalia.

Danjiraha Somalia ee dalka Qatar, Cumar Idriis ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa uga warbixiyay howlihii kala duwanaa ee lasoo maray intii lagu gufda jiray dhismaha cusub ee safaaradda.

“Sharaf ayay ii tahay inaan maanta furo dhismahan cusub ee safaaradda ay Somalia ku leedahay dalka Qatar, waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan mas’uuliyiinta, shaqaalaha safaaradda, injineerrada Soomaaliyeed iyo sidoo kale jaaliyadda Somalida ee Qatar howsha wanaagsan ee ummadda ay ugu adeegayaan iyo xoogga ay geliyeen dhismahan cusub ee safaaradooda oo ah mid wax weyn u taraya dawladda iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa isna ku dhiirri-galiyay mas’iiliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda inay mar walba isku howlaan u adeegista danaha shacabkooda Soomaaliyeed; isla markaana ay horumariyaan shaqada safaaradda si ay ugu adeegto danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa ku jooga magaalada Doha booqasho rasmi ah; iyadoo ay ku weheliyaan safarkiisan wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, wasiirka caafimaadka iyo danjiraha Soomaaliya ee dalka Qatar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya