4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Dadaal loogu jiro sidii Somalia ay uga mid Noqon Lahayd Suuqa Bariga Afrika


Danjire Abshire Xasan Abshir iyo Madaxweynaha dalka Tanzania mudane Jakaya Mrisho Kikwete


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Shir ay dalalka ku mideysan barlamaanka Bariga Afrika ku yeesheen magaalada Bujumbura ee wadanka Burundi ayaa lagu soo qaaday sidii ay uga mid noqon lahayd Soomaaliya Suuqa ay ku bahoobeen Bariga Afrika.

Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete oo kulanka ka hadlay ayaa arrin la yaab leh ka dhawaajiyay, kaddib markii uu shaaciyay in ka mid noqoshada suuqa Bariga Afrika ay dalbadeen dalalka Somalia iyo Koonfurta Suudaan.

“Mar aan baaritaan ku sameynay kaydadkii taariikhiga ahaa ee aan lahayn, ayaan waxaan ka helnay qoraal ay Somalia ku dalbanaysay inay ka mid noqoto suuqa Bariga Afrika EAC sannadkii 1974-kii,” ayuu Kikwete ku sheegay khudbadii uu jeedinayay.

Hadalkan ayaa keenay in dhammaan xubnihii kulankaas ka qaybgalayay ay aad ugu sacab tumaan hadalka madaxweynaha Tanzania, kaasoo ay xuseen inuu caddeyn u yahay in Somalia ay muddo dheer dadaal ugu jirto ku biirida suuqaan.

Somalia ayaa waxaa shirkan uga qaybgalayay xubno uu hoggaaminayay danjiraha Somalia u jooga Bujumbura, Abshir Xasan Abshir oo sheegay inay dowladda Somalia horay u codsatay inay ka mid noqoto suuqa ay dalalka ku yaalla Bariga Afrika ku mideysan yihiin.

Danjire Abshir oo HOL uga waramayay shirka iyo arrimaha Soomaaliya ee looga hadlay sheegay in la go’aamiyay in Somalia loo diro wafdi heer sare ah oo ka baaraan-degi doona sidii ay Somalia uga mid noqon lahayd suuqa muddo fog kaddib.

“Waddamada suuqan ku mideysan oo ku yaalla kuwa Bariga Afrika ayaa inta badan waxay isku raacsan yihiin in Somalia ay ka mid noqoto Suuqaan, xitaa hadii afti loo qaado waxaa lagu kalsoon yahay inay ogolaanayaan inay ka mid noqoto Somalia suuqaan,” ayuu HOL u sheegay danjire Abshir Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa muddo fog dadaal ugu jirtay sidii ay u soo ceshan lahayd kaalintii ay uga jirtay caalamka, gaar ahaan sidii ay uga mid noqon lahayd ururradii caalamiga ahaa ee ay horay uga mid ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya