4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Maamulka Shirkadda Golis oo ka hadlay adeegyo ay soo kordhiyeen (Sawirro)


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Shirkada isgaarsiinta ee Golis ayaa daah-furtay adeegyo cusub kadib xaflad lagu qabtay xarunta Golis ee magaalada Boosaaso, iyadoo ay joogeen hogaanka shirkadda iyo qaar kamid ah ganacsatada Puntland.

Waxaa adeegyadda ay shirkaddu soo bandhigtay kamid ahaa xogmaal iyo Hoodo oo loogu tala-galay in bulshadu ay si joogta ah ugu xirnaato, iyadoo adeega Xogmaal uu bulshada ka anfici doono ogaanshaha wararka Somalia, halka adeegga Hoodo isna loogu tala-gala in ay isticmaalaan iskuulada waxbarashada Puntland.

“Adeegga xogmaal waa adeeg  aad iyo aad u anfici doona macaamiisha, waana adeeg  aan hubo in cidwalbo oo isticmaasha  ay wax ka kororsan doonto , waa adeeg  iskuxiri doona shirkada iyo macaamiisha gaar ahaan dadka wax aqriya” Ayuu yiri madaxa xiriirka dad-weynaha Shirkadda Golis Sheekh Fu’aad oo la hadlay wariyayaasha.

Madaxa Suuqgaynta Shirkada Golis Cabduraxman Abdulahi Jaamac(Dayax) oo isna kamid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay shirka jaraa’id  ayaa sheegay in adeegga Hoodo isna uu isku xirayo bulshada waxbarashada ,isla markaana iskuulada ay ku soo dhajin karaa adeeggan natiijada imtixaankii ay ardaydu galeen.

“Illaa & hadda waxaa si rasmi ah usu diiwaan-galiyay 20-kamid ah goobaha waxbarashada Puntland ,waxaa kaloo Hoodo uu  isku xirayaa waalidiinta iyo ilmahooda,waana ay la socon karaan natiijada imtixaanka ilmahooda “ ayuu yiri Cabduraxmaan Dayax oo arintan ka hadlayay.

Ugu dambayn, hogaanka ganacsiga Shirkadda isgaarsiinta Golis , Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) ayaa isna shegay in adeegyo hor leh ay soo wadaan waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka faaa’idaystaan adeegyadan cusub.

Faysal Mohamed Hassna
[email protected]