4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Dowladda Nigeria oo sheegtay inay Boko Haram ka saarayso dalkaas oo dhan


Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa shaaciyay inuu aaminsan yahay in dagaalyahannada Boko Haram looga saarayo dhammaan deegaannada gacanta ugu jiro muddo bil gudaheed ah.

Johnathan ayaa hadalkan ka jeediyay xili uu isku diyaarinayo doorasho lagu wado in dalka Nigeria ay ka dhacdo toddobaadka soo socda, isagoo dadaal ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa.

Waraysi Goodluck siiyay BBC-da siiyay ayuu ku qiray in ciidamada amniga ay si gaabis ah uga jawaab bixiyeen weerarrada kooxda Boko Haram, weerarradaas oo ay ku dhibteen kumanaan kun oo qof.

Sidoo kale, madaxweynaha Nigeria wuxuu sheegay in kaalmooyinka dalkiisu uu ka helay waddamada deriska ah ay ka caawisay in kooxdaas laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo doorashada Nigeria lagu wado inay dhacdo 28-ka bishan aynu ku jirno, taasoo baqdin dhanka ammaanka awgeed dib loo dhigay lix toddobaad ka hor.

Kooxda Boko Haram ayaa tan iyo sannadkii 2009-kii dagaallo ka wadday gudaha dalka Nigeria, iyadoo qabsatay deegaanno fara badan, waxaana kooxdan ay horay u sheegtay in ay dalkaas kusoo rogayso ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya