4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2015
Maamulka gobolka Sanaag oo shaaciyay in halis loogu jiro biyo la’aan ka jirta

Jimco, Maarso 20, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Sanaag ayaa qaylo-dhaan xooggan ka muujiyey abaar xoog leh oo ka jirta gobolkaasi, isla markaana xukuumadda iyo beesha caalamka ka codsaday in degdeg loo soo gaadhsiiyo biyo.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay iyo Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad biyo la’aan ah oo saamaysay dad iyo duunyaddii ku noolaa deegaanka, isagoo xusay in horey ugu geeriyoodeen dugaag faro badan abaarta jirta awgeed, haddii aan gurmad la soo gaadhsiina ay ku xigi doonaan xoolaha iyo dadkuba.

“Waxaannu gaadhsiinaynaa dawladda, hay’adaha caalamiga ah, Hay’adaha waddaniga ah iyo Ganacsatadaba dalka, dhammaan-ba xadka gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo xaalkoodu inuu meel adag marayo oo ay isugu darsantay xaaluf iyo biyo la’aan oo ceelashina gudheen oo aad iyo aad loo tabcaansan yahay”ayuu yidhi maayarka degmadda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka hadlayey abaarta ka jirta gobolka, waxaanu intaas ku daray “ Waxaannu caddaynaynaa oo ummadda Islaamka iyo kuwa kaleba aannu gaadhsiinaynaa xaalku inuu adag yahay oo ay jirto abaar baahan oo saamaysay gobolka Sanaan, Biyo la’aantuna ay saamaysay dad iyo duunyo. Markaa, waxaannu codsanaynaa gurmad degdeg ah in nalala soo gaadho.”

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa  isna codsaday in degdeg loo soo gaadhsiiyo caawimo dadka iyo duunyadda ku dhaqan gobolka, isla markaana kormeer uu ku maray degmooyinka uu arkay haraad baahsan oo haysta xoolaha iyo duur jooga ku nool gobolka.

“Waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa inay gobolka ka jirto Xaalad deg-deg ah oo Abaareed oo biyo la’aaneed, gobolka waxaannu immika kormeer ku maraynaynay aniga iyo Wufuud ila socday dhawr maalmood, waxaannu soo marnay dhul badan oo gobolka ka mid ah, dhulkaas biyo la’aan baahsan baa ka jirta”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sanaag Falay.

Mar uu ka hadlayey xaga dugaagii ku noolaa deegaanka iyo halista ku jiraan, waxa uu yidhi “Wixii la odhan jiray Habar-dugaag iyo duur-joogtiba way dhinteen hadday tahay Waraabayaasha, Dacawada, Doofaarrada, Daayeerrada iyo Bahala kale aad bay u dhinteen, Xooluhuna meelo badan bay halis ugu jiraan inay harraad u dhintaan, Riigaggii iyo Ceelashii oo dhami way go’een meelo kooban mooyee, xaaladduna aad bay khatar u tahay.”

Si kastaba ha ahaatee, maamulka gobolka Sanaag ayaa beesha caalamka iyo Somaliland u diray baaq qaylo dhaan ah taas oo ay sheegeen in haddii aan degdeg wax loogu qaban khatar ku tahay dad iyo duunyaba u geeriyoodaan biyo la’aanta baahsan ee gobolka ka jirta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland