4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo soo Ban-dhigtay Adeeg Casri ah

Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Shiradda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac daray "ILA-WADAAG", kaas oo caalamka oo dhan laga isticmaalo.

Adeeggan ILA WADAAG ayaa ah adeeg macaamiisha usuurta gelinaya marka uu ka dhamaado Kaarka ku hadalka in uu wican karo eheladiisa iyo sidoo kale asxaabtiisa, isagoo la wadaagaya qofka uu wacay kaarka ugu jira marka uu ogolaansho ka helo.

HABKA FURASHADA IYO ISTICMAALKA ADEEGGA ILA-WADAAG

Markaad furanayso adeeggan waa lacag la'aan iyadoo macmiilku garaacaya *111# kadibna waxa uu dooranayaa Lambar 1 Marka aad rabto inaad la wadaagto Qof kale kaarka ugu jira waxaad garaaceysaa 11161XXXXXXX marka uu qabtana waxaa lagu wargelinayaa in qofka ku soo wacaaya uu rabo in uu la wadaago kaarkiisa ku hadalka, iyadoo system-ku uu usheegi doono in uu kala doorto “Haddii aad ogoshahay riix1 haddii aadan ogoleyna riix 2”

Adeeggan ayaa waxaa ka faa’iideysan kara macaamiisha isticmaasha gabi ahaan kaararka prepaid-ka ee shirka Hormuud Telecom.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya