4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Wasiirada oo isku raacay dhismaha guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidamada


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Golaha wasiiradda Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay kasoo saareen go’aan wadajir ah oo lagu dhisayo guddiga ka shaqeyn doona isku-dhafka ciidamada Qaranka Somalia.

Wasiiirka Amniga Gudaha Somalia oo furay shirka ayaa sheegay inay dadaallo badan oo lagu sugayo amniga ay ka sameeyeen Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay iska kaashadeen howlgalkan sida uu sheegay ciidamada dowlada Somalia iyo AMISOM.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay wada-shaqayn joogto ah oo ay yeeshaan hay’adaha amniga dowladda Somalia iyo shacabka, kuwaasoo lagu sugayo arrimaha amaniga guud ee dalka.

Sidoo kale, waxaa isna hadlay wasaiirka maaliyadda oo warbixin ka siiyay habka ay u shaqaynayaan guddiga maamulka hagidda maaliyadda oo loo xil saaray daba-galka qandaraasayada ay dowladdu bixiso iyo waxyaabaha ay dowladdu soo iibsato.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraas-yadii horay loo galay kuwaasoo qaarkood la ogaaday inaan la dhamaystirin, dood dheer kaddib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga maamulka hagida maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka Qaranka oo horyaalla baarlamaanka.

Dhanka kale; wasiir-u-dowlaha wasaarada gaashaandhigga ayaa golaha uga warbixyay halka uu marayo qorsha isku dhafka ciidamada xoogga Somalia oo horay loo go’aamiyay in la isku-dhafo.

Wasiirka ayaa xusay inay hadda jiraan ciidammo ku kala firirsan gobollada dalka qaarkood oo mushaar iyo qalba ay siiso wasaarada gaashaandhigga. maleeshiyooyin beeleedyo iyo ciidammo ay gaar u leeyihiin maamullad ka jira dalka, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la mideeyo dhmamaan ciidamadaas la isku keeno.

Ugu dambeyn Soo jeedinta wasiirka marka goluhu uu dood ka yeeshay ayaa la ansixiyey dhismaha gudiga isku dhafka ciidamda Qaranka in laga soo xulo dhammaan gobollada dalka si loo helo ciidan Qaran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya