4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
RW Somalia oo Wareysi lala yeeshay kaga Hadlay Ganacsiga iyo Al-Shabaab


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan dalka Qatar ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Al-jazeera ku sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saari doonto dhanka ganacsiga dalka.

Su’aal ahayd maxaad ka sameynaysaa Qatar? Ayuu RW Sharma’arke kaga jawaabay waxaan u joogaa maadaama ay Somalia ay ka baxayso xaaladihii ay muddada dheer kusoo jirtay sida saameynnada kooxaha argagaxisada ah iyo burcadbadeedda, dalkuna horumar ka sameeyay dhinaca amaanka aana diyaar u nahay inaan horumarinno ganacsigeenna iyo maal-gashiga ayaan u imid halkan sidii aan arrimahaas ugala hadli lahaa mas’uuliyiinta dlka Qatar. Waxaana kawada hadalnay arrimo oo badan maal-gashiga u badan.

Intaas kaddib RW Sharma’arke waxaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd sida ay dadka maal-gashiga sameynaya hantidooda ugu aamini karaan gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo aad sheegtay in dhanka amniga aad horumarro ka sameysteen, wuxuuna ku jawaabay.

“Dhab ahaan Somalia wxay ka mid tahay tiro waddamo ah oo sannadihii la soo dhaafay ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo dhanka argagaxisada ah, markaan u bandhigno Somalia way ka wanaagsan tahay dalalkaasna. Waxaana halkan ka qirayaa in dalku soo maray dhibaato; balse ay hadda ka jiraan fursado aad u wanaagsan.”

Sidoo kale, RW Somalia oo ka jawaabayay su’aalo ku saabsan duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka geystaan gudaha Somalia ayuu ku sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu caawinayo Somaila iyagun ay la socdaan mar walba.

Waxaa la weydiiyay ra’isul waasaraha Somalia inuu ku fikray inuu wadahadal la furo Al-shabaab tan iyo markii xilka hoggaanka xukuumadda Somalia loo magacaabay dhawaan? Wuxuuna ku jawaabay.

“Anigu waxaan qabaa in Al-shabaab ay sheegtaan mas'uuliyadda wixii rasbado ah oo ka dhaca dalka gudihiisa... waana dhaleeceynayaa hawlaha argagixisada ee ay wadaan. Runtii ma ahan oo keliya cambaareyn, laakiinse waxaan muujiyaan in kuwaas ay yihiin falal laga argagaxo oo aanan aqbali karin.”

RW Somalia ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su’aal ahayd; doorashooyinka ka dhici doona dalka Somalia sannadka 2016-ka inay yihiin kuwo ay shacabka oo dhan codkooda dhiiban doonaan iyo in kale, maadaama xilligan aysan ka talin dowladda dalka oo dhan. Wuxuuna ku jawaabay.

“Deegaannada ay Al-shabaab maamulaan waqtigaan waa kuwo aad u kooban oo aan tiro badnayn. Inta badan dalka waxaa ka talisa xukuumadda Somalia. Marka waxay ila tahay in inta aan la gaarin sannadka 2016-ka aan dhamaan deegaannadaas gacanteenna soo gelin doonno, si ay doorasho uga dhacdo.”

La soco qayb kale oo Wargeysigan ka mid ah

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya