4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Ciidanka Dowladda & AMISOM oo Dhaqdhaqaaq ka Billaabay Gobolka Hiiraan

Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan ka helahya kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay deegaannada wali ku harsan gacanta xoogagga Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in howlgalkan uu qeyb yahay qorshe la doonayo in go'doominta looga qaado degmada Buula-burte.

Xiyaarada xarrakada Al-shabaab ay ku soo rogtay magaalada Buula-burte ayaa saameyn weyn oo dhinaca nolasha ah ku yeellatay  dadka ku dhaqan degmada, kuwaa oo la sheegay in qaarkood ay macaluul geeriyoodeen.

Ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa durbaba gaareen deegaanno dhinaca galbeedka magaalada ah oo Al-shabaab ay horay ay u maamulaysay, iyagoo ku sii jeedda deegaannada ku dhaw-dhaw degmada Buula-burte ee saldhiga u ah Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidammada ee howlgalka ka qeyb-qaadanaya ayaa u sheegay HOL in iska horimaad aan sidaa u cusleyn kala kulmeen xoogag ka tirsan Al-shabaab deegaanka Luuq-jeeloow oo dhinaca galbeed 25-km kaga beegan magaalada Beledweyne.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadka, laakiinse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa dhinacooda sheegtay in ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhawaan shir jaraa'id ku sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabeyn doonno go'doominta Al-shabaab ay ku hayaan degmada Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya