Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Waddooyinka degmada Buuhoodle iyo goobaha wax-barashada ayaa lagu beeray 2,200 oo geedo dhireed ah oo kala duwan.
rurka badbaadinta deegaanka ee Saxansaxo ayaa geedo-dhireedkan ku wareejiyay madaxda dugsiga ee Samatar Baxnaan, kuwaasoo loogu talo-galay in lagu beero goobaha wax lagu barto iyo wadooyinka magaalada Buuhoodle.
Madaxa ururka Saxansaxo, Cabdullaahi Jaamac Ismaaciil ayaa sheegay inuu qorshahoodu ugu talo-galeen in lagu hagaajiyo bilicda Buuhoodle; isagoo ku daray intaas inay xoogga saarayaan bahda waxbarashada oo ay bideen inay dareen aad u qoto dheer u leeyihiin dhirta.
Sidoo kale, Keyse Maxamed Cali oo ah maamulaha dugsiga sare ee Samatar Baxnaan ayaa uga mahad-celiyey ururka wadaniga ah ee Saxansaxo howsha uu ballan-qaaday inay ku dadaali doonaan sidii ay u tisqaadi lahaayeen dhirtan.
"Ardayda waxaan ku dhiirri-gelinayaa in mid waliba geed beero oo uuna ka shaqeeyo xan-naanadiisa iyo waraabkiisa oo maalin walba lala socdo," ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid waxgaradka magaalada Buuhoodle.
Dhirta haatan laga bilaabay Buuhoodle ayaa u badan kuwa anfaca iyo harba u leh bulshada, waxaana dhirtan ka mid ah Cambaha iyo Liinta, kuwaasoo u leh manfac weyn sida kuwii sannadihii hore la beeray.
Ugu dambeyn, ururka Saxansaxo oo wada-shaqeyni ay kala dhexeyso hay'adda Nomadic Development Organization (NDO) ayaa sanad kasta waxay xilli toobaadka ka qaybiyaan Buuhoodle iyo deegaanadda hoos yimaada dhir kala duwan.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onilne
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool