4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Ciidamada AMISOM oo ku Wajahan Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan AMIOSM ee ku sugan Somalia ayaa ku wajahan magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaas oo lagu wado inuu dhawaan ka furmo shirka maamulka wadajirka ah loogu dhisayo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Guddiga dhismaha maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug ayaa sheegay in ciidankan ay berri oo Jimco ah gaarayaan degmadaas, si ay amniga u adkeeyaan inta uu socdo shirka lagu dhisayo maamulka.

“Maanta ayay ciidammadaan kasoo dhaqaqeen magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inay aroornimada hore ee berri ay soo gaaraan degmada Cadaado si ay qayb uga qaataan sugidda amniga degmada,” ayuu yiri Cawke Xaaji C/raxmaan oo ah guddoomiyaha guddiga amniga dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale, Cowke ayaa sheegay in shacabka magaalada Cadaado ku nool ay uga baahan yihiin inay soo dhaweeyaan ciidamada walaalaha ah ee gacanta naga siinaya sidii amniga goobta uu shirku ka dhacayo loo sugi lahaa.

“Ciidamadan waxay qayb weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga inta uu socdo shirka, runtiina waxaan aad ugu faraxsannahay in howlgalkan uu ka qaadan karo kaalin dhismaha maamulkan,” ayuu Cowke raaciyay hadalkiisa.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga ammaanka ee dhismaha maamulka gobollada dhexe ayaa hadalkiisa ku daray in magaalada Caadado ay diyaar-garow aad u xooggan ugu jirto qabashada shirkan.

Si kastaba ha ahaatee, degmada Cadaado ayaa waxaa 25-ka bishan lagu wadaa inuu ka furmo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada kaasoo ay qabanqaabadiisu bilhii lasoo dhaafay ka socotay degmada Dhuuso-mareeb.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya