4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Al-shabaab oo muddo saacado ah hawada ka saartay Isgaarsiinta Baardheere


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Wararka aanu ka helayno magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay hawada ka saartay isgaarsiinta degmadaas.

Al-shabaab ayaa la sheegay in baaritaanno xooggan ay degmadaas kawado; kaddib markii lagu arkay hawada degmadaas diyaarado dagaal oo aan illaa hadda la ogeyn dalka laga leeyahay iyo ujeeddadooda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa xaqiijiyay in muddo saddex saac ah ay isgaarsiintu hawada ka maqnayd, laakiinse dib loosoo daayay isgaarsiinta, mana jirto illaa hadda wax ay soo bandhigeen Al-shabaab.

Warar hoose ayaa sheegaya inay Al-shabaab bartilmaameedsanayeen dadweyne gaar ah oo ay uga shakiyeen inay la shaqeeyaan dowladda federaalka Somalia iyo dalalka kale ee reer galbeedka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab deegaan ku dhow Baardheere ee gobolka Gedo oo ah degmada keliya ee ay Al-shabaab ka maamusho Gedo.

Si kasta ha ahaatee, Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Aadan Garaar oo looga shakisan yahay inuu ka mid ahaa abaabulayaashii weerarkii Westgate Mall lagu dilay duleedka degmada Baardheere.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya