4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Somaliland


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Somaliland ee ku saabsanaa inaanay la fariisan doonin Somalia illaa la dhex-dhexaadiyo.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali ayaa hadalkiisa kasoo yeeray Somailland ku tilmaamay mid aan laga fiirsan, kaasoo ahaa inaysan Somalia la fariisanayn illaa Beesha Caalamku uu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

“Waa maqlay hadlka kasoo yeeray Maxamed Biixi deel-qaaf badan ayuuna ku hadlay, wadahadallada muddo dheer ayuu soo socday Ingiriiska ayaa ka ahayd fududeeye iyo goobta lagu kulmi lahaa iyo isu keenista labada dhan,” ayuu yiri wasiir Khaalid oo VOA-da la hadlay.

Sidoo kale, Khaalid oo la weydiiyay su’aal ahayd in wixii hadda ka dambeeya wadahadal-lada labada dhinac inay beesha caalamka goobjoog ka noqoneyso ayuu ku jawaabay in arrintaas aanay sax ahayn oo sida labo dowladood oo kale loo dhex-dhexaadinayn.

“Arrimahan waxay ka dhaxeeyaan Soomaali, dadka wadahadlaya waa dad Soomaaliyeed, ma ahan labo dal oo kala duwan, sida Eritrea iyo Itoobiya, annagoo ilaalineyna midnimada Soomaaliya, waxay wax ka dhaxeeyaan waa Soomaali, ayagaana xalisanaya,” ayuu Khaalid intaa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu wasiirku intaas ku daray in xilligii xoriyadda kadib la saxiixay heshiis midnimada iyo wadajirka Somalia, heshiiskaas uu taagnaa, balse Somaliland ay iskeed u gaartay go’aan ah inay gaar u istaagto, laakiin aanay ahayn go’aan shacabka Soomaaliyeed ay cod ugu qaadeen ama si guud la isku af-gartay.

Gaba-gabadii hadalkiisa ayuu wasiirku ku sheegay in diyaar u yihiin wali in wadahadallada labada dhinac ay sii socdaan. Waxaana hadalladan ay kusoo beegmayaa xilli uu dhawaan burburay wadahadalladii labada DF Somalia iyo Somaliland u dhexeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya