4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Ergayga Qaramada Midoobay oo Sheegay inaanu jiri doonin Muddo Kororsi ah


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inaysan jiri doonin xilli kororsi ay sameystaan madaxda dowladda Somalia marka uu xilligooda dhammaado, isagoo rajo ka muujiyay in sannadka 2016-ka doorasho ka dhacaan Somalia.

Danjire Kay ayaa xusay in wixii ka dambeeya Ogoosto 201-ka aanay Beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Somalia marka uu xilligoodu dhammaado.

“Muddo kororsi ay madaxda dalka sameysan karaan ma jirto marka waqtigii loogu talo-galay howshoodu ay gaarto. Beesha Caalamkana aqbali ma aqbali doonto in madaxda Somalia ay muddo kororsi sameystaan marka la gaaro bisha Ogoosto 2016-ka,″ ayuu yiri danjire Nicholas Kay oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale, ergayga ayaa intaas raaciyay inuu aaminsan yahay in dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan qabatay, isla markaana lagu amaani karo intii xukunka haysay iyo sidoo kale howlihii kala duwanaa ee ay soo qabatay.

Wakiilku wuxuu intaas ku daray in sanadkan billowga ah ee 2015-ka ay howsha ugu badan u taalo dowladda Somalia sida sameynta maamul-goboleedyada dalka iyo sidii loogu qaadi lahaa afti dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo xasilinta ammaanka dalka.

Hadalka danjire Kay ayaa imaanaya iyadoo madaxda dowladda Somalia ay ku cel-celiyeen dhowr jeer inaanay waqti kordhin dambe jiri doonin marka la gaaro 2016-ka, markaasoo ay sheegeen inay doorasho ka dhici doonto Somaila.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya