4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Safaarada Mareykanka ee wadanka Jabuuti oo sababo Amni Awgeed loo Xiray


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa sababo dhanka ammaanka ah awgood albaabbada loogu laabay, sida ay sheegeen saraakiil ka mid ah kuwa dowladda Mareykanka ee ka howlgala safaaraddaas.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababaha xiri-taanka safaaradda ay tahay tallaabo dib loogu eegayo amaanka safaaradooda.

Inkastoo aan la sheegin qatar argagixiso oo kusoo fool leh hadana tani ayaa loo arkaa inay qayb ka tahay sugidda amniga safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo horay uu digniino uga soo saaray suuro-galnimada weeraro lagu qaado.

Mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka ee waddanka Jabuuti ayaa sheegeen in adeeggii ay muwaadiniinta uga baahandaan ay ka helayaan qunsuliyadda ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Xukuumadda Washington ayaa waxaa kaga sugan Jabuuti 4,000 oo askari oo ku sugan sal-dhig ay halkaas ku leedahay, waxaana kaloo Jabuuti ku leh saldhigyo milateri Faransiiska iyo Jabbaan.

Ugu dambeyn, Jabuuti oo ciidammo ay kaga sugan yihiin Somalia ayaa waxaa sannadkii hore ka dhacay weerar is-miidaamin ah oo maqaaxi ay ku badnaayeen muwaadiniinta reer galbeedka ah ee Jabuuti jooga, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaas ay sheegatay Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay xukuumadda Jabuuti oo ku saabsan ammaan-darrada la sheegay in loo xiray safaaaraddii uu Mareykanku ku lahaa dalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya