4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2015
Mareykanka oo shaaciyay inay duqeyn ku dileen Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab


Khamiis, Maarso 19, 2015 (HOL) — Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah ay ku dishay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaabta Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray, Aadan Garaar waxaana Jimcihii lasoo dhaafay isaga iyo laba sarkaal oo kale lagu duqeeyay gaadiid ay la socdeen duleedka degmada Baardheer ee gobolka Gedo.

Aadan Garaar ayaa loo haystay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii abaabulay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday suuqa laga dukaameysto ee Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xubno ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in la qiimeeyyay weerarka uu ku bartilmaameedsaday Aadan Garaar ka hor inta aanu shaacin dilka sarkaal-kan loo geystay.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa horay ugu dilay gudaha Soomaaliya saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo uu ka mid yahay hoggaamiyahoodiii hore, Axmed Godane oo sannadkii hore la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkan ayaa Mareykanku wuxuu dhowr sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeymo bilihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanno Koonfurta Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan Jubbada dhexe iyo Bay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya