4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Labaatameeyo Qof oo Dalxiisayaal ay ka mid yihiin oo lagu dilay dalka Tunisia


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 19-qof oo ay ku jiraan dalxiisayaal ajnabi ah ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay matxaf ku yaala magaalada Tunis ee xarunta dalka Tunisia. Kooxahan hubeysan ayaa muddo saacado ah af-duub ahaan u haystay dad dalxiiseyaasha ay ku jiraan.

Dhismaha dadka lagu qafaashay ayaa ku dhow yahay xarunta baarlamaanka dalka Tunisia, iyadoo ay toogasho ku dileen tiro dad ajaaniib ah, ka hor intii aanay so oaf-jarin howlgalka ciidamada dalka Tunisia.

Ciidanka Tunisia ayaa gurmad ballaaran u fidiyay dadkii kale ee ku go’doonsanaa goobaha ku dhow dhow dhismaha la weeraray, waxaana la arkayay iyadoo ciidanku ay shacabkaas kasoo daad-gureynaya goobahaas.

Sidoo kale, ciidamada dalka Tunisia ayaa si buuxda isugu gadaamay dhismihii lagu haystay dadkii ajaanibtu ay ku jireen ee qaarkood la dilay, waxaana ciidanka ugu dambeyn u suuro-gashay inay inay daataan dhismaha oo ay soo afjaraan afduubka ay kooxaha hubeysani geysteen.

War laga soo saaray wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia ayaa lagu sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa kooxihiii weerarkii madxafkaas lagu qaady ka dambey-say, lana toogtay dhammaantood.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan sideed ruux oo ajaanib ah weerar-kaas lagu dilay, laakiin ay tiradu intaa ka badan karto, maadaama weli laga wado goobtaas baaritaanno dheeraad ah.

Ugu dambeyn, warbaahinta dalka Tunisia ayaa tabisay in ugu yaraan saddex nin ay geys-teen weerarkaas, walow aynaan dowladdu dalkaas si rasmi ah u caddeyn tirada kooxaha weerarka qaaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya