4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Wasaarada Cadaalada oo soo gunaanaday kulan looga hadlay cadaalad helida


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Wasaaradda caddaaladda dawlada fadaraalka Somalia ayaa soo gaba-gabaysay maanta  shirka wada-tashiga cadaalad helidda da’yarta aan qaan-gaarin ee Soomaaliyeed iyo hirgalinta heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta.

Shirkan oo socday laba maalmood laguna qabtay xarunta wasaaradda caddaaladda ayaa waxaa xiritaankiisii goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda, Fahma Axmed Nuur, xeer ilaaliyaha Qaranka, Dr.Axmed Cali Daahir, agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda, Xuseen Qaasin, laamaha Garsoorka, waaxda Asluubta, khubaro aqoon dheer u leh sharciga caruurta  iyo bulshada rayidka  ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaalada, Fahmo ayaa uga mahadcelisay ka qayb-gala-yaasha dood-cilmiyeedkan qiimaha badan oo ah wada-tashi ku saabsan cadaalad helidda da’yarta iyo heshiiska caalamiga ee xuquuqda carruurta.

“Sdia aad wada og-soon tihiin, waajibaadka wasaaradda caddaaladda waxaa ugu waaweyn sameynta, dib-u-eegista iyo horumarinta sharciyada dalka si loo xoojiyo nidaamka iyo kala dameynta loona helo caddaalad sharci ah oo lagu kalsoonaan karo. Wasaaradda Cadaaladda waxay bilowday bartamihii sannadkii tagay inay dib u eegis ku sameyso sharcigii caalamiga ahaa ee xuquuqda caruurta (CRC),” ayaa lagu yiri qoraal kazoo baxay wasaaradda xiritaan-kii kulanka kaddib.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu yiri; sharciga carruurta waxuu ka mid yahay sharciyada ugu muhimsan, umad kasta ee dowlad lehna looga baahan yahay inay yeelato. Soomaaliya waxay ka mid ahayd labada dal ee kaliya oo aan ansixin heshiiskii xuquuqda caruurta ee caalimaga ah; balse dowladda federaalka Somalia ee hadda jirta waxay ku guuleysatay in sharcigaas la meelmariyo lana ansixiyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

“Meel marinta sharciga carruurta waxaa iska kaashaday wasaaradaha cadaaladda iyo haweeynka dowladda Somalia oo kaashanaya hay’adda caalamiga ee UNICEF oo iyadu naga taageertay sidii aan sharcigaan u meel marin laheyn, naguna taageertay khubaro ka shaqeeya dib u eegista sharciga,” ayaa qoraalka mar kale lagu yiri.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa xustay waxay billowday sanadkan cusub inay dib u eegis ku sameyso sharciga maxkamadaha dhallinta iyo dhaqan-celinta sharci lambarkiisu yahay 13 ee soo baxay 08-dii Maarso 1970-kii.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda, Xuseen Qaasin Iidow ayaa bogaadiyay shirka asagoo yiri. “Waa tallaabo ay wasaaraddu horay u qaaday  si ay u hormariso shuruucda Soomaaliya, waaxaana muhiim ah in sharciyada la galiyo wada-tashi inta ayna dowladdu hirgalinin, kana qayb qaataan khubarada baratay sharciyada.“

Mas’uulkan ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in lala tashado dhamaan hay;adaha ay quseyso sida xeer ilaaliyaha, laamaha garsoorka iyo waliba bulshada lagu fulinaayo sharcigan, lana galiyo miskaxdii loo baahnaa waxay ka mid tahay arrintan ujeeddada shirkan loo qabanayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed, Dr Ax'ed Cali Daahir oo isna munasabadda hadal ka jeediyay ayaa yiri. “wuxuu dalkeennu xubin ka tahay sharciga guud ee xuquuqda caruurta adduunka, sharcigaas waxaa meel mariyay baarlamaan, waxaana saxiixay madax-weynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu leeyahay in tashi la galiyo sharciga ay Soomaaliya lahaydsanadkii 13-kii Maarso 1970–kii; sababtoo ah wuxuu u baahan yahay in lagu sameeyo dib-u-eegis si loo saxo oo wax badan lagu biiriyo, sababtoo ah waxaa is badalay dhammaan wixii la xiriiay nolasha bulshada sida dhaqanka, duruufaha , aqoonta, intaas waxaa dheer  malaayiin ayaa qurbaha ku maqan

Ugu dambeyn, wuxuu Xeer ilaaliyuhu aad u soo aad dhaweeyay doorka wasaaradda cad-daaladda ee la xiriira diyaarinta sharciyada iyo inay ka qayb-galiso khubarada iyo dadka ka shaqeeya laamaha garsoorka si uu xeerku u yeesho aasaas qaanuuni ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya