4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Madaxweyne Xasan oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomey danjiraha Norway


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee boqortooyada Norway u fariisan doona Soomaalya, Mr. Victor Conrad Rønneberg.

Xasan Sheekh ayaa boqortooyada Norway uga mahad-celiyey tallaabada ay danjirahan cusub ugu soo magacawdey Somalia oo uu sheegay inay sii xoojin doonto xiriirka labada waddan.

“Aad ban kugu soo dhaweynaynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wada-shaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida. Waxaan kaloo aan Norway uga mahad-celinayaa taageerada ay nala garab-taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena,’’  ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa danjiraha uga warbixiyay xaaladaha siyaasada, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusay in wax badan la qabtay, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.

“Waxyaabo badan ayaa inoo qabsoomay, waxaana haatan ku jirnaa diyaar-garowga sidii loo dhaqan-gelin lahaa Hiigsiga 2016-ka oo ay inaga go’an tahay inaan fulino ballanqaadkii ahaa inaan dalka doorasho ka hirgelinno,’’ ayuu madaxweynuhu intaa ku daray Xasan Sheekh.

Danjiraha cusub ee Norway, Rønneberg ayaa isna kulankaas ka sheegay inay Norway sii kordhin doonto taageeradeeda Soomaaliya, isla markaana uu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talo-gashay barnaamijyo kala duwan ee horumarinta ee lagu tageerayo Soomaaliya.

“Imaanshahayga magaalada Muqdisho wuxuu ka tarjumayaa sidaan u doonayno ballaarinta iskaashiga aan la leenahay Somalia. Waxaan idin ka taageeraynaa maareynta kheyraadka, xirfadaha kala duwan ee maamul wanaagga, nabadgelyada iyo wax wada qabsiga,'' ayuu dhankiisa yiri danjire, Rønneberg.

Ugu dambeyn, waxaa goobjoog ahaa wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda ee DFS, Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Somalia ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya