4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
BIIXI: Dowladda Somalia lama Fariisanayno illaa nala Dhex-dhexaadiyo


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa manta warbaahinta ugu sheegay magaalada Hargeysa inaanay mar dambe hor-fariisan doonin dowladda Soomaaliya.

Biixi ayaa dusha uga tuuray dowladda Soomaaliya mas’uuliyadda burburkii wada-hadalladii labada dhinac ku dhexmari lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Somaliland waxaa ka go’an inaanay marna la fariisan doonin Somalia , iyadoo aan la dhex-gelin. Anigoo hoggaaminaya shan wasiir aan tagnay maaalada Nairobi ee Kenya, Beesha Caalamka ayaana u sheegnay in burburkaas ay ka mas’uul tahay dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Biixi oo la hadlay BBC-da.

Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay diyaar u yihiin urur-goboleedka IGAD ay dhex-dhexaadiso, isagoo xusay in dowladda Itoobiya ay sidoo kale kala hadleen arrintan.

“Si deg-deg ah waxaa u codsanaynaa in arrinta Somaliland iyo Soomaaliya uga soo qayb-gasho Beesha Caalamka,” ayuu mar kale yiri Biixi oo intaa ku daray in marna aanay ogolaanayn in dad u dhashay Somaliland ay la fariistaan dhinacooda.

Inkastoo wadahadaladii hore u dhex-maray labada dhinac ay dalalka Jabuuti iyo Turkiga gar-wadeen ka ahaayeen dhowr jeerna lagu qabtay labadaas waddan.

Ugu dabeyn, lama oga hadalkan kasoo yeeray Somaliland wuxuu cuskan yahay, iyadoo horay dowladda Somalia ay ku eedeysay Somaliland ay diiday inay soo hor-fariistaan waf-digii dowladda matalayay wada hadaladii bur buray ee Istanbul.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya