4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Gobolka Banaadir oo la Magacaabay

Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Wareegto laga soo saaray xafiiska madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta loogu magacaabay guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye.

Magacaabida xilkan ayaa ka dambeeysay markii uu dhawaan qarax ka dhacay mid ka mid ah hoteellada Muqdisho uu ku geeriyooday mas’uulkii xilkan hayay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geelle).

“Tala soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu madaxweynuhu u magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye,” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabidda mas’uulkan.

Mas’uulka cusub ayaa waxaa la faray inuu si buuxdo u guto waajibaadkiisa qaran, waxaana wixii hada ka dambeeya uu buuxin doonaa booskii Gudoomiye kuxigeenka siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka xilkan loo magacaabay ayaa waxaa dhalay Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka Muqdisho, iyadoo xilkan ay tartan adag kula galeen xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya