4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Ra’iisul wasaarayaasha Somalia iyo Qatar oo heshiisyo ku kala saxiixday Doxa


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, iyadoo labada Ra’iisul Wasaare ka wadahadleen xoojinta is-kaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Somalia iyo Qatar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla af-gartay sidii loo xoojin lahaa dadaallada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Somalia. Waxaa labada dhinac ay ka wada-hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato xasilloonida siyaasadeed, Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maal-gashiga iyo taageerada Hay’adaha DFS.

Somalia iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doxa laba heshiis oo wax ka tari doona waxbarashada iyo duulista hawada; iyadoo ay Somalia heshiisyadaasi u saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda, C/salaam Cumar Hadliye iyo wasiirka duulista iyo hawada, Cali Axmed Jaamac Jaangali. Dowladda Qatar waxaa heshiiska iyana u saxiixay wasiirka waxbarshada, Mohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo wasiirka Gaadiidka, Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti.

Heshiisyadan waxaa qayb ka ah in diyaaradda Qatar Airways ay billowdo duulaamdyo ay ku tagi doonto Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka gaysato waxbarashada sare si ay uga faa'iidaystaan ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu horreyn uga mahad-naqayaa dawladda Qatar ee aan walaalaha nahay soo dhoweynat ballaaran iyo sida ay markasta diyaarka ugu tahay in ay gacan nagu siiyaan dib-u-dhiska dalka iyo dadaaladda xukuumaddu ay ugu jirto Soomaaliya oo xasiloon, dadkeeduna ay ku tallaabsadaan horumar buuxa. Waxaan sii xoojin doonnaa Iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar,” ayuu yiri Sharma’arke.

Isagoo intaas raaciyay: “Heshiisyada ay xukuumaddu la gashay Qatar ee Waxbarashada iyo Duulista Hawada waa kuwo ahmiyad u leh shacabkeenna iyo dalkeena xilli aan kasoo kabanayno burburkii nagu dhacay. Waxaan sii kordhin doonnaa heshiisyada noocaan oo kale ah oo wax weyn ka taraya dib-u-dhiska Soomaaliya iyo in aan dawladda Qatar ku dhiiri-galinno in ay maal-galiso Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.”

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiirka Caafimaadka, Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Mudane Cumar Idriis, Danjiraha Soomaaliya ee Qatar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya