4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Hay’adda SOYDEN oo Kulan u qabatay Guddiyada Nabadda Gobollada Dalka


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Hay’adda Isku-xirka Horumarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa Muqdisho ku qabtay shir watadashi ah oo gun-dhig u ahaa dib u heshiisiinta guddiyada nabadda degmooyinka gobollada dalka qaarkood.

Shirkan oo socday 17-kii - 18-kii bishan ayaa waxaa lagu qabtay City Palace Hotel, iyadoo ay gacan ka geysatay qabashada shirkan hay’adda CONFLICT DYNAMIC INTERNATIONAL (CDI), waxaana ka qayb-galay guddiyada nabadda 27-degmo oo ka kooban lix gobol oo kala ah; Banaadir, Shabeellada Dhexe, Gedo, Jubbada Hoose, Hiiraan iyo Bay.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd mid looga tashanayay sidii dib u hishisiinta salka hoose laga soo billaabayo looga hirgelin lahaa dalka oo dhan. Iyadoo shirkan uu billow u yahay shirar kale oo la reynayo in la qabto dhawaan.

Xubnihii shirkan ka qaybgalay ayaa waxay labadii maalmood ee uu socday isku weydaarsan waayo-aragnimadooda ku aaddan howlaha nabada tan iyo intii ay kusoo jireen iyo fursdaha ama caqabadaha ka jira deegaannadooda.

Waxaa kaloo shirkan nabadda looga hadlay sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd gabi ahaan maamullada degmooyinka iyo guddiyada nabada ee ka jira si loo hor-mariyo nabada deegaannadaas.

Shirkan ayaa waxaa furay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb-galeen wasiir ku xigeenka caafimadka, guddoomiye ku xigeenka arrimaha gudaha ee baarlamanka Somalia, guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir arrimaha maaliyadda iyo guddoomiyaha guddiga dib u hishisiinta Qaranka.

Madaxdii kasoo qayb-gashay shirka ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan guddiyada nabadda iyo wixii kasoo baxa shirkan; iyadoo aad ugu riyaaqay qaabka guddiyada nabadda loo dhisay; isla markaana ku boorriyay inay noqdaan kuwo mar walba isku xiran; iskana war-qaba.

Ugu dambeyn; Hay’ada SOYDEN oo soo qaban-qaabisay shirkan ayaa sheegtay in amniga oo keliya aan laga shaqeyn karin haddii aanan nabadda laga shaqeyn, Soyden ayaa sheegtay in labaduba ay yihiin kuwo isku xiran.

“Dadka markii la is-ogoleysiiyo ayna nabadda qaatan ayaa amniguna shaqeynayaa. Sidaa si la mid ah iska warqabku wuxuu qayb ka noqon karaa iyo wada-shaqeynta gudiyadda ay sii xoogeysato,” ayay mas’uuliyiintii hay’adda SOYDEN hadalkooda ku soo gaba-gabeeyeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay’adda SOYDEN ay shirar noocan oo kale ah ugu qabto gudaha dalka guddiyada nabadda ee ka jira gobollada dalka, taasoo qayb ka ah qorshayaasha lagu doonayo in lagu xoojiyo dib u heshiisiinta Soomaalida oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya