4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Suuriya oo soo riday Diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Mareykanku leeyahay


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Ciidamada waddanka Suuriya ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah ee Drone-ka loo yaqaan, taasoo la sheegay inuu leeyahay Mareykanka.

Diyaaraddan ayaa lagu soo riday magalada Latakia oo ku taalla Waqooyi-galbeed dalka Suuriya, taasoo ay ku xooggan yihiin ciidamada madaxwenaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in diyaarada Drone-ka ah ay ku waayeen hawada dalka Suuriya, iyagoo aanay kala caddeyn in lasoo riday iyo in kale.

Telefishinka Suuriya ayaa soo bandhigay muuqaalada diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen ciidamadeeda, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay ciidamada Suuriya soo ridaan diyaarad noocan oo kale ah.

Xukuumadda Suuriya oo dagaal kula jirta xoogagga Daacish iyo Jabhado kale ayaan qayb ka ahayn isbaheysiga uu hohgaamiyo dalka Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Si kasta ha ahaatee, waa markii u horeysay ee ay Suuriya ay soo rido diyaarad uu leeyahay dalka Mareykanka, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya